Saraakiisha AMISOM oo sheegay mar kale inay Somalia ka baxayaan

Image

Kampala [GAROWE ONLINE]- Ku simaha wakiilka Midowga Africa ee Somalia ahna masuulka ugu sareeya ee howlgalka AMISOM  Lydia Wanyoto Motend ayaa u sheegtay jaraa'idka kasoo baxaya magalada Kampala New Vision inay ka go'an tahay sidii saraakiisa DF iyo ciidankooda loo tayayn lahaa si ay ugu fududaato inay Somalia ka baxaan 2016.

Haweenaydan ayaa tilmaamtay inay ka go'antahay howlgalka AMISOM inuu Somalia oo dhan ka baxo 2016 oo uu ku eg yahay waqtigooda balse inta kasii horaysa ay xooga saari doonaan sidii ciidanka DF loo bari lahaa sugida Amniga iyo nidaamka ay ugala wareegayaan howlaha lagula dagalamayo kooxda Al Shabab ee xiriirka dhow la leh Al-Qaacida.

Kooxda Al-Shabab ayaa wali dagaalo toos ah iyo qaraxyo ka gaysanaya gudaha magalada Muqdisho kuwaasoo xitaa saamayn ku yeeshay shaqooyinka ay dowladda Xasan Shiikh Maxamuud ka haysay Muqdisho.

Labo jeer ayay kooxdu weerar ku qaadeen xarunta Villa Somalia waxayna gaysteen weeraradaasi dhimasho iyo dhaawac iyadoona kii ugu danbeeyay uu lug ku lahaa ruux ka shaqaynayay xarunta Villa Somalia.

Lydia ayaa sheegay inay tahay dhibka ay qabaan sarakiisha ciidanka  Somalia iyagoo si deg deg ah uga jawaabo waxyaabaha dhacaya taasna ay caqabad ku tahay howlaha socda ee lagu damacsan yahay in lagu soo afjaro kooxda mayalka adag ee Al Shabab.

Al Shabab ayaa laga saaray Muqdisho 2011 ka dib dagaalo culus oo ay ciidanka iyo madaxdii xiligaasi taladd ahaysan ku qaadaan kooxdan oo hadd ku haray qaar ka mid ah gobaladda dalka.

Balse dadka la socda siyaasadda Somalia ayaa sheegaya inay ku adkaan doonta ciidanka DF inay ammaanka la wareegaan 2016 oo ay soo wajahan tahay doorasho la doonaya inay dadwaynaha cadooyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM