Saraakiisha sarre iyo ajaaniibta Al-Shabaab oo "u firxaday" laba gobol

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Saraakiisha ugu muhiimsan iyo ajaaniibta ka tirsan Al-Shabaab ee ku sugnaa degaanada Koonfur Galbeed ayaa u wareegsaday dhanka HirShabelle, sidda uu maanta shaaca ka dhigay wasiir.

Maxamad Cabdiraxman Kheyre, wasiirka amniga HirShabelle oo u waramay Universal Tv, ayaa daaha ka rogay in sababta keentay in ay "soo fir-xadaan xubnahaas ay tahay howlgaladda ciidanka".

Ciidamadda kumaandooska Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa caalami ah oo isugu jira AMISOM iyo Mareykan ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay howlgal saf-balaaran leh ka wadday Shabeellaha Hoose.

Gobolkaas oo kamid ahaa meelaha ay joogitaanka xoogan ku lahayd xoogaga gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida waxaa hadda inta badan gacanta ku haysa dowladda, marka laga reebo meelo qaar.

Inkasta oo Koonfur Galbeed ay ku faa'iidey howlgaladaas, wasiir Kheyre ayaa ka dhawaajiyey in dhankooda uu ku noqdey "culeys".

"Waayihii dambe sidaad la socotaan waxaa jiray operation ka socday dhankaa gobolka Shabeellaha Hoose, Koonfur Galbeed; operation-kaas wuxuu noo keenay culeys aad u fara badan maadaama nimanka argagixisada ah ay lasoo carareen dadkii ajaaniibta ahaa ee dalka yimid iyo inta muhiimka u ahayd waxay lasoo galeen dhulka howdka ah oo isku xirta labada gobol – Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan," ayuu yiri.

Sidda laga soo xigtay wasiirka, HirShabelle ayaa rajeyneysa in ay xal u hesho Al-Shabaab kasoo talaabaya qaar kamid ah maamuladda waddanka ee xuduudka la leh si gaar ah maamulka Koonfur Galbeed.

Dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah wadamada caalamka ee bixiya taageeradda la dagaalanka argagixisada ayuu tibaaxay in ay u gudbiyeen warbixin la xiriirta arrintaan, waxna laga qabanayo.

"Waxaan rajeyneynaa in dhowaan howlgal siman oo ka dhan ah Al-Shabaab uu ka dhici doono degaanka dhulka HirShabelle," ayuu raaciyey, isagoo tibaaxay in ay dhisanayaan ciidamo Daraawiish ah.

Dufcadii afaraad oo kamid noqoneysa ciidamadda gaarka u ah dowlad goboleedka HirShabelle ayuu caddeeyay in dhowaan tababar loo furi doono, taas oo la qorsheynayo in ay noqoto ku dhowaad kun askari.

Tan iyo markii laga xoreeyay magaalooyinka waaweyn sidda caasimadda Muqdisho, Al-Shabaab waxaa fariisin u ahayd gobolada, iyaddoo xaruntooda ugu weyn ay haatan tahay Jilib, caasimada gobolka Jubadda Dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku guuldareystay inuu mideeyo madaxda Federaalka

Balse maqnaanshaha Puntland iyo Jubbaland ayaa astaan u ah kala qeybsanaanta siyaasadeed ee sii qotomeysa.

  • Soomaliya

    07-05-2025

  • 11:33AM

Muxuu Xasan Sheekh kala hadlay Taliyaha AFRICOM ?

Dhinaca kale, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage.

  • Soomaliya

    07-05-2025

  • 08:58AM