Sarkaal Al-shabab ah oo isu soo dhiibey ciidanka Jubaland

Image

August 12, 2015 (GO)- Sarkaal horay uga tirsanaa Al-shabaab ayaa isu soo dhiibey ciidamada Jubaland ee fadhigoodu yahay magaalada Baardheere.

Sarkaalka isa soo dhiibey oo lagu magacaabo Ciise Cabdi (Ilko-case) wuxuu Al-shabaab ugu qaybsanaa dhanka soo ururinta zakawaatka.

Faarax Cabdi Casharo oo kamid ah saraakiisha ammaanka ee maamulka Jubaland ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in ninkaasi xilligan gacantooda ku jiro, isagoo intaas raaciyey in markii uu isa soo dhiibayey keligiis ahaa balse uu watey qori noociisu yahay AK47.

Casharo oo wax laga weydiiyey qaabka ay ku suuragashay in sarkaalka horay uga tirsanaa Al-shabaab kusoo gaaro Baardheere, wuxuu sheegay in uu xiriiro badan badan lasoo sameeyey laamaha ammaanka lagana war qabey imaanshihiisa.

Ma ahan markii ugu horreysey ee saraakiil Al-shabaab ka tirsani isu soo dhiibaan ciidamada ammaanka Jubaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo calaamadeysay saldhigyo ay dejin doonto Ciidamada ay usoo dirayso Soomaaliya

Saldhigyadan waxaa ku yaallaan magaalooyinka Balcad, Jowhar, Burane iyo Mahaday, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 12:05PM

Puntland oo diiday nidaamka cusub ee E-Visa, kuna eedeysay DFS faragelin sharci-darro ah

Maamulka Puntland wuxuu si joogto ah u difaacay madaxbannaanida uu ku leeyahay maamulka gudaha ee kaabayaashooda muhiimka ah.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 06:27AM