Sarkaal boolis oo lagu toogtay magaalada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Sarkaal ka tirsan booliska Soomaaliya oo magaciisa lagu sheegay Maxamuud Maxamed [Abkow Cambuure] ayaa xalay lagu dilay barxadda Daljirka Daahsoon ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Sidda ay xusayaan warar horudhac ah, toogashadda waxaa geystay askari kale oo ka tirsan Hay'adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Soomaaliyeed ee NISA.

Fahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya qaabka falka u dhacay iyo ujeedada dhabta ah ee ka dambeysa. Walina laamaha ammaanka kama hadlin.

"Wararku qaar waxay xusayaan in marxuumka loo dilay si aam ku talogal ahayn, halka qaar kalana ay xusayaan in bareer uu ahaa oo xurguf ay dhexmartay labada askari," ayay sheegeen goobjoogeyaal u waramay mareega Garowe Online.

Xildhibaan Cabdiqaadir Carrabow oo kamid ah xubnaha Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Somaaliya ee muddo xileedkiisa uu dhamaadey ayaa cambaareeyay dilka sarkaalka booliska oo la filayo maanta la duugo.

Sharci-dejiyaha ayaa dalbadey in baaritaan deg-deg ah lagu sameeyo kiiskan isla markaana sharciga la horkeeno askariggii ka dambeeyay fal-dambiyeedkaas.

Muqdisho ayaa wajaheysa xaalad hubanti la’aan ah markii khilaafka doorashooyinka uu isku rogay gacan ka hadal u dhaxeeya dowladda federaalka ee waqtiga ka dhamaadey iyo dhinacyadda kasoo horjeeda ee mucaaradka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo ka digay firaaq dastuuri ah haddii aan heshiis laga gaarin doorashooyinka Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale sheegay in tallaabooyinka xiga ee Puntland ay ku xirnaan doonaan dareenka shacabka.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 05:09AM

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM