Sarkaal ka tirsanaa xafiiska R. Wasaaraha oo Muqdisho lagu diley

Image

June 21, 2015 (GO)- Hawl-wadeen ka tirsanaa xafiiska Ra'isal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka magaalada Muqdisho lagu diley.

Ninkaas oo lagu magacaabi jirey Anwar Xaaji Dayib waxaa agagaarka xaafadda Mac-Macaanka ku toogtey labo nin oo bistoolado ku hubeysnaa, kuwaasoo durbadiiba goobta ka baxsaday.

Lama aqoonsan haybta kuwa dilka geystey, mana jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay mas'uuliyaddiisa.

Waa qofkii ugu horreeyey ee ka tirsan shaqaalaha Dowladda Federaalka ee intii lagu guda jirey bisha barakeysan ee Ramadaan magaalada Muqdisho lagu dilo.

Al-shabaab ayaa sanad walba marka lasoo gaaro xilligan oo kale, waxay kordhisaa weerarrada ay ku qaadeyso xarumaha dowladda iyo dilalka qorsheysan ee lala begsado mas'uuliyiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM