Sarkaal ka tirsan milatariga oo Xildhibaan loo doortay

Image
Kursigaan waxaa horay ugu fadhiyay xildhibaan Isgowe Derow Issak.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Gen Maxamed Sheekh Cabdulaahi Ciirow, taliyaha qaybta 60 aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa loo doortay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ka dib codayn ka dhacday magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Gen Ciirow oo la rumaysanyahay in uu ka midyahay saaxiibada madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa ku soo baxay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-077 ee xubinnimada Golaha Shacabka.

Sarkaal oo wali wareejin xilka taliyaha qaybta ayaa heley codad gaaraya 83-cod halka musharaxii la tartamayay Cabdinaasir Cali Xasan uu heley 13-cod.

Kursigaan waxaa horay ugu fadhiyay xildhibaan Isgowe Derow Issak.

Cabdicasiis Laftagareen oo la fahamsanyahay in uu u sharaxanyahay Jagada gudoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka shaqaynaya soo saarista xildhibaano uu codkooda ku tashan karo.

Saraakiisha ku biiray Baarlamaanka Soomaaliya waxaa ka mid ah taliyihii hore ee Booliska gobolka Banaadir Saadaq Joon, Agaasimaha NISA, G/S Yaasiin Faray, Taliyihii hore ee Booliska Soomaaliya Gen Bashiir Maxamed Jaamac iyo taliyihii hore ee Milatariga Indhaqarshe oo u sharaxan kursi yaalla magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Wada hadaladii ugu dambeeyay golaha wadatashigan markii la soo gabangabeeyay heshiiskii la soo saaray waxa uu xeerinayay in ciidanka iyo saraakiisha aysan ku milmin arrimaha siyaasada dalka waxaana muuqanaysa in saraakiil sar sare ay ku biirayaan golaha sharci dajinta oo markii horaba jilicsanaa.

Koonfur Galbeed oo kka mid ah maamullada ku horreeya doorashada, waxaana u haray kuraas kooban oo deegaan doorashadoodu tahay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay waxaana maanta lagu doortay xildhibaano kale oo ku biiraya golaha shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM