Sarkaal ka tirsanaa ciidanka cirka Soomaaliya oo u dhintay Covid-19

Image

WASHINGTON, US – Sarkaal ka tirsanaa ciidamadda difaaca cirka Soomaaliya isla markaan xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumaddii kacaanka ee Siyaad Barre ayaa dalka Mareykanka ugu geeriyooday Coronavirus.

Saalax Cabdalla Maxamed oo cudurka uu soo ritay 9-kii April ee sanadkan ayaa ku dhintay gobolada ay Soomaalidu ku badan tahay ee Minnesota, sidda uu laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ay kasoo xigatay qoyskiisa.

Wiilkiisa, Cabduqaadir, ayaa xaqiijiyey in aabihii uu horey ula ildarnaa xanuun kale. "Aabe sababadda ayuu ka jiranaa," ayuu yiri.

Inta illaa iyo haatan la og-yahay, marxuumka oo lagu aasay qubuuraha Muslimiinta ee ismaamulkaas ayaa noqonaya qofkii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo cudurkaas safmareenka ah uu ku dilo gobolkaas.

"Si fiican baa loo aasey, wallow ay kasoo qeybgaleen tobban qofood, maadaama la mamnuucay isu imaatinka," ayuu hadalkiisu ku daray.

Ummadda Soomaaliyeed ayuu ka codsadey in ay u duceeyaan aabihii, isla markaana qoykiisa uu sabar iyo iimaan ka siiyo geeridda.

Sidda ay muujineyso warbixintii ugu dambeysay, kiisaska caabuqa dilaaga ah ee gudaha Mareykanka ayaa kor-u-dhaafaya 600-kun; geerida waxay ku dhow-dahay 40-kun, ku dhowaad 58-kun oo qof way ka bogsadeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM