Sarkaal lagu tuhmay cudurka Covid-19 oo lagu fasaxay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xarunta karan-tiilka Coronavirus ee dowladda Soomaaliya oo ah Isbitaal Mariini ayaa shaacisay in ay sii deysay qof lagu tuhmay fayruska safmareenka ah ee Corona.

Shaqsigaan la fasaxay ayaa ah sarkaal ka tirsan ciidamada milatariga Soomaaliya oo kasoo laabtay Talyaaniga, mid kamid ah dalalka uu saameynta ugu ba'an u geystay caabuqa.

War qoraal ah oo kasoo baxay Isbitaal Mariini ayaa lagu qeexay in talaabada lagu sii daayey askariga ay ka dambeysay markii tijaabooyin laba ah oo laga qaadey ay muujiyeen in uusan qabin cudurka.

Warqadda oo ku taariikheysan 8-ka bisha April sanadkan 2020 ayaa nan lagu soo bandhigin magaca iyo darajada askariga, balse waxaa lagu caddeeyay in uu yahay 25-jir dalka soo galay bishii hore.

Shaacinta ayaa kusoo aadeysa xili tirada kiiska ay gaareen 21 kadib markii Jimcadii ay Wasaaradda Caafimaadka federaalka ku dhawaaqdey sagaal oo cusub, taas oo walaaca ku kordhisay dadka.

Bukaanada ayaa waxaa ku jira afar shaqaale caafimaad, laba ajnabi ah iyo sarkaal kale oo kamid ahaa ciidamadii Talyaaniga tababarka kusoo qaatay ee todobaadkii hore kusoo guriya noqdey.

Ciidamo kale oo ka kala imaanaya dalalka Sacuudi Carabiya iyo Jabuuti ayaa sidoo kale loo diyaarinayaa meel lagu karan-tiilo. Wadamadan waxaa laga soo wariyey kiisas aad u badan oo caabuqa ah.

Qoraalka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM