Ninkii cayda Farmaajo xil loogu abaalmariyay oo durba musuq lagu eedeeyay

Image
Bashiir ayaa la rumeysanyahay in uu mucaaradnimada Farmaajo ku helay xilka Wasaaradda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda G/Banaadir ayaa soo saartay amar xayiraad dhanka safarka ah lagu soo rogayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Bashiir Macallin Cali Xasan, oo loo haysto eedeymo la xiriira musuqmaasuq.

Go’aanka Maxkamadda ayaa yimid ka dib codsi ka yimid Xafiiska Hanti dhowrka Guud ee Qaranka, waxaana qoraalka ay Maxkamaddu soo saartay u qornaa:

“Waxay aqbashaday Maxkamadda codsiga Xafiiska Hantidhowraha Guud ee Qaranka ee xayiraadda, waxayna go’aamisay in xayiraad safar la saaro eedeysane Bashiir Macallin Cali Xasan Agaasimaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada”.

Dukumentiyo ay heshay GaroweOnline ayaa caddeynaya in Bashiir uu lunsaday dhaqaale uu maamulay oo ay dalka ugu deeqday dowladda Shiinaha, isagoo sidoo kale damacsanaa in uu u dhoofo dalka dibaddiisa.

Bashiir oo mucaarad xooggan ku ahaa maamulkii hore ee uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la rumeysanyahay in uu xilka ku helay mowqifkaas siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM