Sarkaalkii ugu sarreeyey sirdoonka Al-shabaab oo la qabtey

Image

December 27, 2014 (GO)- Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan gobolka Gedo ayaa maanta gacanta ku dhigay sarkaalkii ugu sarreeyey dhanka sirdoonka ee ururka Al-shabaab.

Barqonimadii maanta ayaa sarkaalkaas oo lagu magacaabo Sheekh Sakariye Ismaaciil Xirsi iyo mid ka mid ah ilaaladiisa waxaa lagu qabtay guri ku yaalla degmada Ceelwaaq. Taliyaha ciidamada dowladda ee gobolka Gedo Col. Cabbaas Gurey ayaa warbaahinta u xaqiijiyey warkan.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in sarkaalkaasi isagu si iskiis ah isu soo dhiibey kadib markii uu xiriir hoose lasoo sameeyey dowladda.

Sakariye Ismaaciil  wuxuu kamid ahaa saraakiishii Al-shabaab ee ay is khilaafeen hoggaamiyihii hore ee Al-shabaab Axmed Cabdi Godane, wuxuuna in muddo ah ku dhuumaaleysaneyey miyiga gobollada Gedo iyo Jubbooyinka kadib markii Godane amray in la laayo Sakariye iyo  xubnihii kale ee ay isku fikirka ahaayeen.

Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa intaas ku daraya in ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM dalbadeen in ninkaas lagu soo wareejiyo haseyeeshee saraakiisha ciidamada Dowalda Federaalka ayaa codsigaas ku gacan sayrey, waxaana lagu wadaa in labada nin loosoo gudbiyo dhanka magaalada Muqdisho.

Sanadkii 2012 dowlada Maraykanka ayaa saddex milyan oo doolar u ballan qaaday ciddii keenta xog sahleysa in la dilo ama nolosha lagu soo qabto dhowr nin oo sarkaalka maanta la qabtay kamid ahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka wada hadlay xasilloonida Geeska Afrika iyo iskaashi cusub

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ay wadaan dadaallo lagu xoojinayo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    21-07-2026

  • 07:22AM

Wareegga labaad ee wadahadallada doorashooyinka Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho

Dowladda Federaalka ayaa ku adkeysaneysa in doorashada lagu saleeyo dastuurkii la ansixiyay sanadkan 2026.

  • Soomaliya

    21-07-2026

  • 06:13AM