Sarkaalkii ugu sarreeyey sirdoonka Al-shabaab oo la qabtey

Image

December 27, 2014 (GO)- Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan gobolka Gedo ayaa maanta gacanta ku dhigay sarkaalkii ugu sarreeyey dhanka sirdoonka ee ururka Al-shabaab.

Barqonimadii maanta ayaa sarkaalkaas oo lagu magacaabo Sheekh Sakariye Ismaaciil Xirsi iyo mid ka mid ah ilaaladiisa waxaa lagu qabtay guri ku yaalla degmada Ceelwaaq. Taliyaha ciidamada dowladda ee gobolka Gedo Col. Cabbaas Gurey ayaa warbaahinta u xaqiijiyey warkan.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in sarkaalkaasi isagu si iskiis ah isu soo dhiibey kadib markii uu xiriir hoose lasoo sameeyey dowladda.

Sakariye Ismaaciil  wuxuu kamid ahaa saraakiishii Al-shabaab ee ay is khilaafeen hoggaamiyihii hore ee Al-shabaab Axmed Cabdi Godane, wuxuuna in muddo ah ku dhuumaaleysaneyey miyiga gobollada Gedo iyo Jubbooyinka kadib markii Godane amray in la laayo Sakariye iyo  xubnihii kale ee ay isku fikirka ahaayeen.

Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa intaas ku daraya in ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM dalbadeen in ninkaas lagu soo wareejiyo haseyeeshee saraakiisha ciidamada Dowalda Federaalka ayaa codsigaas ku gacan sayrey, waxaana lagu wadaa in labada nin loosoo gudbiyo dhanka magaalada Muqdisho.

Sanadkii 2012 dowlada Maraykanka ayaa saddex milyan oo doolar u ballan qaaday ciddii keenta xog sahleysa in la dilo ama nolosha lagu soo qabto dhowr nin oo sarkaalka maanta la qabtay kamid ahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo ku wada-hadlay Arrimaha Badda Cas iyo Damaca Itoobiya

Masar ayaa muujisay walaac weyn oo ku saabsan hadalada soo noqnoqda ee Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    25-04-2025

  • 08:19AM

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM