Sawirka ku hoos dadan xukuumadda cusub ee ra'iisul wasaare Rooble

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay xukuumaddii 20aad ee Soomaaliya taasoo ka kooban 70 xubnood – 26 wasiir, 26 ku xigeeno, 17 wasiiru dowle iyo ra'iisul wasaare ku xigeen.

Sidda ay muujineyso shaxda, qiyaastii %50 wasiiradda ayaa Xildhibaano ka tirsan hay'adda sharci-dejinta taasoo la aaminsan yahay in looga gol-leeyahay in Golaha Wasiiradda ay codka kalsoonida ka helaan baarlamaanka federaalka.

Si kale hadii loo dhigo, Rooble ayaa leelin doona gole isbedel kooban lagu sameeyay balse u badan wasiirada xukuumaddii dhacdey ee Khayre.

Madaxweynaha, guddoonka Golaha Shacabka, taliyaha NISA iyo xoog-sato siyaasadeed kale ayay "kala yihiin dhinacyadda qeybsaday wasiiradda".

Si walba, xukuumadda Rooble ayaan haysan waqti ku filan oo ay kusoo bandhigto wax-qabad, waxaana inta lagu guda jiro howsha doorashadda oo shaqada ugu weyn u ah macno yeelan doono Wasiirada Amniga, Gudaha iyo Maaliyada.

Maalmo kahor magacaabida xukuumada cusub, Farmaajo ayaa la wariyey in uu la shiray Golihii hore ee Wasiiradda ah. Si lamid ah, wuxuu saacado kahor shaacinta xubnaha cusub uu la qaatay kulan warbaahinta xorta ah aan laga qeybgelin.

Warar ayaa sheegaya in wadahadaladda uu daaranaa in qorshaha ay Villa Soomaaliya ka damacsan tahay kaasoo ah in wasiiradda magacaaban ay ka shaqeeyaan sidii ay Xildhibaano noqon lahaayeen baarlamaanka soo aadan.

Tabtaas oo u muuqata mid qeyb ka ah ololaha dib u soo noqoshada Farmaajo isla markaana Rooble ka dhigeysa madaxa mashruucaas ayaa waxaa caqabad ku noqon kara in wasiirada qaar aysan kalsooni ka haysan dadka ay metelaan.

Xubnaha ku cusub Laanta Fulinta ayaa lagu waramay in ay isugu jiraan laba qeybood; qaar loogu abaalmariyey wadashaqeynta dhow oo dowladda la yeesheen mudadii lasoo dhaafay iyo kuwa mucaaradka lagu jibinayo.

Halkii ay cudurdaar kasiin lahaayeen dadweynaha in aysan fulin balanqaayadii ay sameeyeen balse ay ku fashilmeen, madaxda Soomaaliya ayaa mar walba oo muddo xileedka kasii dhacayo ka shaqeeyo soo kabasho iyagoo waxba qaban.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM