Sayid-Cali: Ninkii nolosha gubay xaaskiisa oo gacanta lagu dhigay

Image
Sayid-Cali ayaa waxa uu ku eedeysan yahay in uu nolosha ku gubay marwadiisa oo uur lahayd Marxuumad Luul Shiikh Cabdicasiis

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Booliska Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in ay ku guuleysteen soo qabashadda eedeysane Baxsad Sayid-Cali Macalin Daa'uud kaasoo loo haysto dilka xaaskiisa.

Sayid-Cali ayaa waxa uu ku eedeysan yahay in uu nolosha ku gubay marwadiisa oo uur lahayd Marxuumad Luul Shiikh Cabdicasiis 26 Jan 2024 oo ku beegan todobaadkii lasoo dhaafay.

"Howlgalkaan oo ahaa mid wadajir aha ayaa waxaa ka qeybqaatay Boliiska, Nisa, Difaaca Shacabka ee Degmooyinka Cadaado iyo Wisil. Howlgalka waxaa ku soo biiray Ciidanka Ilaalda Madaxtooyada Galmudug," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay booliska.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ku howlanaa sidii gacanta loogu dhigi lahaa eedeysane Baxsad Sayid-Cali Macalin Daa'uud, kaas oo 26 Jan 2024 Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir ku gubay Xaaskiisii Marxuumad Luul Shiikh Cabdi una geeriyootay gubashadii. ayaa fududeeyayin maanta 05 Feb 2024 gacanta ku soo dhigay eedeysane Sayid-Cali Macalin Daa'uud iyo laba eedeysane oo gacan ku siinayay in uu cadaalada ka baxsado.

Howlgalkaan oo ahaa mid wadajir aha ayaa waxaa ka qeybqaatay Boliiska, Nisa, Difaaca Shacabka ee Degmooyinka Cadaado iyo Wisil. Howlgalka waxaa ku soo biiray Ciidanka Ilaalda Madaxtooyada Galmudug.

Eedeysanayaashaan ayaa gacan ku siiyay eedeysanaha 1-aad inuu ku dhuumaalysato dhul balaaran ee isku xira Gobolada Galgaduud iyo Mudug. Halkaas, oo ay suurto gashay in gacanta lagu soo dhigo xili uu ku sugnaa deegaanka Cadayleey.

Eedeysanayaasha kala ah Ingriis Fanaxeey iyo Cabdirisaaq Macalin Daa'uud (Caluuke), ayaa laga soo qabatay deegaanka Gawaan oo hoos taga Degmada Wisil ee Gobolka Mudug xili ay ku howlanaayeen fududeynta baxsashada eedeysane Sayid-cali oo la qorsheeynayay inuu doon ku baxsado markale.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM