Shabaab iyo shacab ku dagaallamay gobolka Hiiraan

Image

28 Octobar, 2015(GO)-Wararka ka imanaya deegaanka Afcad oo dhowr iyo soddoon KM u jira degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal uu dhex maray ururka Al-Shabab iyo dadka deegaanka. 

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka dhashay markii dadka deegaanku ay diideen inay bixiyaan zako la sheegay in ururka uu ka qaadi jiray.

Zakada Al-Shabaab ay dadka kusoo rogeen ayaa la sheegayaa inay tahay mid bil kasta ah, ayada oo qofkii leh 10 neef oo xoolo ah ay ka qaadi jireen hal neef, kii leh 20-na ay ka qaadi jiraan 3 neef.

Maxamed Cabdulle Fiidow oo ah guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi, ayaa VOA u sheegay in afar ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab lagu dilay dagaalka, tiro kalena looga dhaawacay.

Xigasho: VOA

 

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM