Shabaab oo askar badan ka dishay AMISOM

Image

Saraakiil iyo goobjoogayaal ayaa VOA u sheeg in 70 ciidamada Burundi ee AMISOM lagu dilay kadib markii al-Shabab ay weerartay oo qabsatay xero ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Leego ee G. Sh. Hoose

Weerarka ayaa ku bilowday baabuur ku qarxay ganjeelka ama iridda xerada, kadibna waxaa bilowday dagaal culus oo dhexmaray maleeshiyada iyo ciidamada AMISOM.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose, C/qaadir Siidii ayaa VOA u sheegay in maleeshiyada al-Shabaab ay gowraceen dhowr iyo tobban dumar ah, isla markaana la la' yahay ciidamo Burundi ah iyo tiro badan oo Soomaali ah oo uu ku jiro guddoomiyaha degmada Leego, kuxigeenkiisa iyo wali wasiir ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Wakiilka Midowga Africa ee Somalia ayaa canbaareeyay weerarka, balse ma uusan sheegin tirada ciidamada AMISOM ee weerarka ku dhintay.

Dowladda Somalia, iyo wakiilka QM ee Somalia ayaa labaduba canbaareeyey weerarka.

al-Shabaab ayaa wacad ku martay inay kor u qaadi doonaan weerarada ka dhanka ah dowladda iyo ciidamada AMISOM inta lagu duda jiro bisha Ramadan. 

XIGASHO: VOA

Related Articles

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM