Shabaab oo askar badan ka dishay AMISOM

Image

Saraakiil iyo goobjoogayaal ayaa VOA u sheeg in 70 ciidamada Burundi ee AMISOM lagu dilay kadib markii al-Shabab ay weerartay oo qabsatay xero ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Leego ee G. Sh. Hoose

Weerarka ayaa ku bilowday baabuur ku qarxay ganjeelka ama iridda xerada, kadibna waxaa bilowday dagaal culus oo dhexmaray maleeshiyada iyo ciidamada AMISOM.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose, C/qaadir Siidii ayaa VOA u sheegay in maleeshiyada al-Shabaab ay gowraceen dhowr iyo tobban dumar ah, isla markaana la la' yahay ciidamo Burundi ah iyo tiro badan oo Soomaali ah oo uu ku jiro guddoomiyaha degmada Leego, kuxigeenkiisa iyo wali wasiir ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Wakiilka Midowga Africa ee Somalia ayaa canbaareeyay weerarka, balse ma uusan sheegin tirada ciidamada AMISOM ee weerarka ku dhintay.

Dowladda Somalia, iyo wakiilka QM ee Somalia ayaa labaduba canbaareeyey weerarka.

al-Shabaab ayaa wacad ku martay inay kor u qaadi doonaan weerarada ka dhanka ah dowladda iyo ciidamada AMISOM inta lagu duda jiro bisha Ramadan. 

XIGASHO: VOA

Related Articles

Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu Ciidanka Qaranka u adeegsanayo caburinta mucaaradka

Si kastaba, Garowe Online si madax bannaan uma xaqiijin karto tirada ciidamada la sheegay in la geeyay Muqdisho.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:36PM

Sheekh Shariif: Al-Shabaab Waxay Qabsatay Goobo Muhiim ah, Dowladda Waa Fashilantay

Sheekh Shariif wuxuu sheegay in dowladda aysan ku guuleysan dhiirrigelinta iyo kalsooni-siinta ciidamada qalabka sida.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:29PM