Shabaab oo kolonyo Amisom weeraray

Image

Kooxda Al-shabaab ayaa weerartay kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah oo ka tirsan Amisom, kuwaasi oo marayay tuulada Jameeco oo qiyaastii 20 km dhinaca bari ka xigta magaalada Buurhakaba ee gobolka Bay.

Iskahorimaadka oo bilowday galinkii dambe ee shalay soona gaaray maanta barqadii ayaa la isu adeegsaday hub cuslus, iyadoo dadka deegaanku sheegeen in ay maqlayeen rasaas noocyo kala duwan oo tan iyo shalay si goos goos ah uga dhacaysay halkaasi.

Sarkaal ka tirsan Al-shabaab ayaa sheegay in ay weerarkaasi ku dileen tobanaan ka tirsan ciidamada Amisom, kuna gubeen tiro gawaarida dagaalka ah, walina ay isku horfadhiyaan halkii uu dagaalku ka bilowday.

Illaa iyo hadda ma jiraan wax war oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Amisom oo ku saabsan dagaalkaas.

XIGASHO: BBC

Related Articles

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM