Shabaab oo kolonyo Amisom weeraray

Image

Kooxda Al-shabaab ayaa weerartay kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah oo ka tirsan Amisom, kuwaasi oo marayay tuulada Jameeco oo qiyaastii 20 km dhinaca bari ka xigta magaalada Buurhakaba ee gobolka Bay.

Iskahorimaadka oo bilowday galinkii dambe ee shalay soona gaaray maanta barqadii ayaa la isu adeegsaday hub cuslus, iyadoo dadka deegaanku sheegeen in ay maqlayeen rasaas noocyo kala duwan oo tan iyo shalay si goos goos ah uga dhacaysay halkaasi.

Sarkaal ka tirsan Al-shabaab ayaa sheegay in ay weerarkaasi ku dileen tobanaan ka tirsan ciidamada Amisom, kuna gubeen tiro gawaarida dagaalka ah, walina ay isku horfadhiyaan halkii uu dagaalku ka bilowday.

Illaa iyo hadda ma jiraan wax war oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Amisom oo ku saabsan dagaalkaas.

XIGASHO: BBC

Related Articles

Sheekh Shariif oo Xasan Sheekh uga Digay inuu sameeyo Muddo Kororsi sharci-darro ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo muran siyaasadeed uu ka taagan yahay marxaladda kala guurka ah iyo sida loo wajahayo doorashooyinka soo socda ee dalka.

  • Soomaliya

    01-09-2025

  • 11:43AM

Masar oo qaadey Tallaabo Itoobiya ka digtay inay saameyn ku yeelato amniga Soomaaliya

Ciidamada Masar oo bedelaya kuwa Burundi, ayaa qeyb ka noqon doona dadaallada AUSSOM ee la dagaallanka Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    01-09-2025

  • 07:54AM