Shabaab oo soo bandhigay sarkaal ka tirsan ciidamada Somalia

Image
Image
Image
Image

11 Octobar, 2015(GO)-Ururka Al-Shabaab ayaa soo bandhigay sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda Somalia oo ay ka qabteen duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose xilli uu ku sugnaa gurigiisa.

Sarkaal ayaa magaciisa ku sheegay Gaashaanle Sare Maxamed Xaaji Cali mar uu la hadlay Idaacad ku hadashay codka Al-Shabaab, waxaana uu tilmaamay inuu la soo shaqeeyay dowladihii soo maray Somalia.

"Magaceygu waa Muxamad Xaaji Cali, waxaan ahay sarkaal Gaashaanle sare ah, waxaan ka tirsanahay ciidanka dowladda Somalia, sidoo kalena waxaan la soo shaqeeyey dowladihii hore ee soo maray dalka oo ay ka mid tahay dowladdii Siyaad Barre" Ayuu yiri Gaashaanle Sare Muxamad Xaaji Cali.

Qabashada Gaashaanlaha kama hadlin dowladda Somalia.

GAROWEONLI

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM