Shabaab oo toogatey dad lagu eedeeyey inay basaas u ahaayeen CIA

Image

June 29, 2015 (GO)- Al-shabaab ayaa  shalay degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe ku toogatey saddex nin oo basaasnimo lagu soo eedeeyey. 

Toogashada ayaa ka dhacdey goob fagaare ah, waxaana kasoo qayb galay boqollaal dadweyne ah iyo qaar kamid ah saraakiisha Al-shabaab. 

Saddexda nin ee la toogtey oo lagu soo eedeeyey inay jawaasiis u ahaayeen sirdoonka Maraykanka ee (CIA), waxaa lagu kala magacaabi jirey: Maxamed Aadan Shuure (26jir), Maxamed Aadan Cismaan (25jir) iyo Mukhtaar Cabdiraxmaan Maxamed (30 jir).
Qaadiga maxkamadda Al-shabaab ee xukunka riddey ayaa sheegay in raggaas dambiga lagu soo eedeeyey ku caddaaday, qaar kamid ahina maxkamadda horteeda ka qirteen, sidaas darteedna lagu xukumey dil toogasho ah. 

Al-shabaab ayaa laga soo bilaabo sanadkii hore ee 2014 toogatey ku dhowaad soddon qof oo isugu jirey qaar lagu soo eedeeyey basaasnimo iyo qaar kale oo lagu soo eedeeyey inay gogol dhaaf sameeyeen. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM