Shabeellada Dhexe: Amisom oo ka baxday Fiidow

Image

(VOA)-Ciidamada Nabad illaalinta AMISOM ee ku sugnaa deegaanka Fiidow ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa maanta deegaankaasi ka soo baxay, sida uu sheegay maamulka gobolka.

Deegaankaasi, ayaa waxaa iminka lagu soo warramayaa in ay ku sugan yihiin oo ay gacanta ku dhigeen maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Maxamed Bashiir Qaasim (Daqare) oo ah guddoomiyaha degmada Mahadaay oo uu hoosyimaado deegaanka Fiidow, ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Amisom ay ka baqeen fatahaadda webiga Shabeelle, sidaasna ay uga soo baxeen deegaanka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Shabaabkii qabsaday deegaanka ay kaxeysteen saddex qof oo ka mid ah dadka deegaanka, halka dad bandanna ay kasoo carareen.

Cabdiraxmaan Xuseen Furre ayaa warreystay gudodomiye Maxamed Bashiir Qaasim (Daqare). Dhageyso

Xigasho:VOA

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM