Shacab ku leeday qarax ka dhacay Koonfur Galbeed Soomaaliya

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Laba qof ayaa la xaqiijiyey in ay dhinteen, laba kalana uu dhaawac kasoo gaarey qarax nooc miinada ah oo maanta ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Illo wareedyo amniga ah ayaa u sheegay warsidaha GO in qaraxa uu ka dhacay meel ku dhow saldhiga booliska. Si lamid ah, waxaa aagaas ku yaala Suuqa ugu weyn ee degmadaas hoostagta Koonfur Galbeed.

"Qaraxa waxaa la dhigay meel luuq ah. Dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca waxay ahaayeen shacab wadada marayey," ayuu yiri sarkaal magaciisa uga gaabsaday in aan loo ogoleyn in uu la hadlo warbaahinta xorta ah.

Saraakiisha ammaanka oo meesha ay wax ka dhaceen tegay ayaa isaga soo laabtey iyagoo aanan sameynin wax baaritaan iyo howlgal ah.

Bishaan August 2-deeda ayay ahayd markii hoygiisa lagu dhex-dilay Maxamed Cabdullaahi Koosta, gudoomiye ku xigeenkii amniga iyo siyaasadda Wanlweyn. Weerarkaas waxaa loo adeegsaday bam-gacmeed.

Khaarijintiisa oo dhacdey habeen ayaa ka dambeysay markii maalintii uu socdaal ku tegay duleedka degmada isla markaana uu Al-Shabaab ugu hanjabay in uu iska difaaci doono hadii ay kusoo qaadaan weerar kasta.

Xoogaga gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida oo joogitaan culus ku leh degaanada maamulkaas ayaa qaatay mas'uuliyadda dilka Koosta.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa intii uu ku jira ololihii doorashada dhiiga ku daatay ee Villa Soomaaliya maalgelisay wuxuu balanqaadey in uu amniga sugayo, balse wali waxaa muuqata habacsanaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM