Shacabka Mandheera oo Dalbaday in Laga Saaro Ciidamada Jubaland Kadib Weerarkii Dadka Lagu Laayay

Image

MANDHEERA, Kenya – Qaar kamid ah shacabka iyo siyaasiyiinta Mandheera ee waqooyi bari Kenya ayaa dalbaday in dowladda Kenya ay si degdeg ah uga saarto ciidamada Jubbaland ee ku sugan deegaankaasi, kadib weerar dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay duleedka Magaaladda.

Dalabkan ayaa yimid kadib markii ugu yaraan lix qof lagu dilay tiro kalena lagu dhaawacay weerar lagu qaaday gaari rakaab ah oo marayay inta u dhexeysa Mandheera iyo deegaanka Carabiya. Weerarka ayaa ka dhacay deegaanka Beer-Ayawon, halkaas oo dabley hubeysan ay rasaas ku fureen rakaabkii saarnaa gaariga.

Warbaahinta Kenya ayaa sheegtay in qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha deegaanka ay ciidamada Jubbaland ku eedeeyeen inay si sharci darro ah uga howlgalaan gudaha Kenya, islamarkaana ay khatar ku yihiin amniga gobolka. 

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya, Rigathi Gachagua, ayaa sidoo kale ku baaqay in ciidamada Jubbaland laga saaro dhulka Kenya, isagoo sheegay in joogitaankoodu uu halis ku yahay madaxbannaanida iyo amniga Kenya.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa falkaan foosha xun, waxaana dalbanayaa in si degdeg ah looga saaro dhammaan ciidamada shisheeye ee sharci darrada ku jooga aaggaasi,” ayuu yiri Gachagua sida lagu daabacay warbaahinta Kenya.

Xildhibaanka deegaanka Lafey, Maxamed Cabdiqadir, ayaa isna cambaareeyay weerarka, wuxuuna ugu baaqay dowladda Kenya inay xoojiso ammaanka si looga hortago weerarro kale oo la mid ah.

Ilaa hadda dowladda Kenya iyo maamulka Jubbaland si rasmi ah ugama aysan hadlin eedeymaha la xiriira joogitaanka ciidamada Jubbaland gudaha Kenya ama ku lug lahaanshahooda amni darrada gobolka.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya iyadoo xiisad siyaasadeed iyo mid amni ay weli ka dhex taagan tahay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, gaar ahaan tan iyo doorashadii muranka dhalisay ee ka dhacday Kismaayo dabayaaqadii sanadkii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Dhawaaqay Bannaanbax Kale oo Ka Dhacaya Muqdisho 16-ka May

Madasha Samatabixinta ayaa sheegtay in tallaabooyinkaasi ay saameeyeen nolol maalmeedka magaalada Muqdisho.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 05:19AM

Xasan Sheekh oo Su’aal ka Keenay Xilliga ay Mucaaradku u Muddeeyeen Dibadbaxyada Muqdisho

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka inay la yimaadaan barnaamijyo siyaasadeed oo dhaxalgal ah.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 07:39PM