Shakhsiyaad laga shakiyay oo gacanta loo gashay hay’adda nabad sugidda Somalia

Image

07 November, 2015(GO)-Waxaa xalay magalada Muqdishu lagu qabtay saddex ruux oo midkood xirnaa dharka haweenka kuwaasi oo marayay afaafka hore hotel Weheliye.

Ilaalada hotelka ayaa gacanta ku dhigay saddex nin oo laga shakiyay, balse aan hubaysnayn, waxaana tuhun ka dib lagu wareejiyay hay’adda nabad sugidda Somalia ee NISA, si baartaan loogu sameeyo.

Qabashada raggan ayaa imaanaysa xilli laamaha amniga Xamar soo rogeen awaamir la dul dhigay hotellada Muqdshu, ka dib weeraro qorshaysan oo muddooyinkii dambe lale eeganayay meelaha muhiimka ah ee ku suganyihiin mas’uuliyiinta dowladda Somalia.

Hotelkan ayaa ka mid ha meelaha horay weerarka loogu qaatay, waxaana 11-kii Jullay ururka Al-Shabaab ku dileen 10 ruux.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM