Shan arrin oo Farmaajo aan "loogu ogolaan karin" booqashada Hargaysa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa soo bandhigay "shan arrimood oo maangal ah oo aan lagu aqbali karin in madaxweyne Farmaajo uu booqdo Hargeysa, caasimada Somaliland".

Mudanaha, oo degaan doorashadiisu tahay maamul goboleedka Galmudug, ayaa arrimahaan wuxuu kusoo bandhigay qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee bogga Facebook.

Hadalka sharci-dejiyaha ayaa kusoo aadaya iyaddoo uu jiro guux aad u xooganaa oo saacadihii lasoo dhaafay la baahiyey oo ku saabsan in madaxweynaha Soomaaliya iyo Abiy Axmed ay tegayaan Hargeysa.

Hoos ka akhriso qoraalka

Shan arrimood oo maangal ah oo aan Farmaajo loogu ogolaan karin In uu booqdo Hargaysa

1. Guddiyadii wadahadalka labada dhinac oo hawlgab ahaa intii Farmaajo uu madaxweynaha ahaa, mudadaasna uusan muujin niydsami iyo shaqo socota oo uu ku mutaysan karo tagista halkaas.

2. Inuusan jirin ajande cad oo ay soo bandhigeen labada dhinac oo safarkaan lagu soo xaqiijinayo, ayadoo Somaliland dhankeedana ay ka muuqato In lagu dirqinayo ayagoon raalli ka ahayn, Farmaajana uu doonayo meel aan laga rabin in uu isku maqiiqo.

3. Fashilka isku haynta maamulkiisa iyo dawlad goboleedyada ka dhisan koofurta Soomaaliya iyo aaminsanaantiisa In xoog iyo ismaquunin lagu kala baxo sida waxa ka taagan Galmudug iyo Jubaland. Habdhaqankaan oo ahaa kii Somaliland gaarsiiyey meesha ay taagan tahay.!

4. Inuu ku jiro Md. Farmaajo bilihisii u dambeeyey asagoo waajahaya waxqabad xumo, kana dhiganaya booqashadan buunbuunin uu u adeegsado ololihiisa doorashada.

5. Cidda soo hindistaya sida gaarka ahna uga faa’idaysa safarkan waa Abiy Ahmed oo doonaya dekedda Zaylac in ciidamada badda Ethiopia ay saldhig u noqoto.

Ardayda waxaa marka ay fasal ka gudbayaan la marsiiyaa imtixaan, haddii ay ku guulaystaan imtixaankaas un bay u gudbi karaan fasalka xiga, madaxweyne Farmaajo wuxuu ku dhacay imtixaankii asaasiga ahaa ee nabadaynta Muqdisho, isku haynta dawlad goboleedyada iyo abuurista dhaqan dimuqraadi ah oo oggol wax wada lahaansho iyo tala-wadaag, sidaas awgeed asagoo col la ah maamuladii dalka in uu diyaarad ku sii dulmaro asagoo Abiy xambaarsan yahay waa iska muuqataa safarkaas inuu yahay mid qolada loo tagayana aan waxba u wadin, kuwa laga tagayna aysan waxba ka sugayn.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM