Shan ku dhimatay is-rasaaseyn Muqdisho ku dhexmartay ciidamo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan shan oo mid uu askari yahay ayaa ku dhimatay iska hor-imaad xalay xaafada Tarabuush, degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ku dhexmaray ciidamo milatari iyo boolis kala ah.

Afar kamid ah dadka geeriyooday ayaa ahaa shacab, sidda ay ku warameen illo wareedyo dadka degaanka ah oo la hadlay Garowe Online.

Isku dhaca ayaa ka dambeeyay markii bileyska uu damcay in uu baaritaan ka sameeyo guriga sarkaal ka tirsan milatariga oo magaciisa lagu sheegay Bile Af-dheere, balse ay ka biyo diideen askar taabacsan isaga.

Booliska ayaa howlgalka ku baadigoobayey dabley ka tirsan maleeyshiyaadka Al-Shabaab oo madaafiic ku weerartay xerada weyn ee Xalane.

Is-rasaaseynta ayaa kusii fiday xaafadda Kaawo Gudey kadib markii ciidamo kale oo milatari ahaa ay halkaas ku rasaaseeyeen boolis kale.

Saraakiil ciidan ayaa lasoo wariyey in ay ku baxday. Xaaladda meesha ay wax ka dhaceen waa mid degan, sidda ay sheegeen goobjoogeyaal.

Hoobiyeyaasha lagu weeraray fariisinka AMISOM iyo diblumaasiyiinta ee Xalane ayaanan la ogeyn haddii ay ka dhasheen khasaaro naf iyo maalba leh.

Dhowr jeer ayay horey u dhacday in ciidamo kawada tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay is-rasaaseeyeen, waxaana dadka ugu badan ee waxyeeladu kasoo gaarto ay yihiin dadweynaha lagu dul-dagaalamo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM