Shan qof oo dhaawacyo culus qaba oo laga dejiyey Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Shan kamid ah dad ku dhaawacmay dagaal beeleedka duleedka magaalo madaxda Jubaland ee Kismaayo ayaa maanta la keenay Muqdisho, sidda uu xaqiijiyeen ehelka.

Abuukar Macalin Cali, oo wasiir kasoo noqdey Koonfur Galbeed kana mid ah qoysaska dadkaan, ayaa sheegay in bukaanada "oo xaaladooda ay aad u liidato la dhigay Isbitaalka Digfeer".

"Shanta qofba mid ciidan ah kuma jiro shantoodaba waa rag reer baadiyo ah," ayuu Abuukar u sheegay warbaahinta maxaliga ah.

Xaalada degaanadii ay colaaduhu ka dhaceen ayuu tilmaamay in aysan ka jirin saan-saan nabadeed, wallow ay socdaan dedaalo ay wadaan dad shacab ah oo doonaya in ay qaboojiyaan xiisada.

In ka badan 30 qof ayaa lagu dilay dagaal beeleed maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay degaano dhaca Galbeedka xarunta gobolka Jubada Hoose.

Beelaha dirirtu dhexmartay ayaa lagu waramay in ay ka dhaxeysay aanooyin qabiil oo sanadihii lasoo dhaafay taagnaa.

Maamulka Jubaland oo ku baxay degaanada colaada ka jirto ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in xal waara loo helo isku dhacyadda qabaa'ilka oo muddooyinkii dambe aad ugu soo batay gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM