Shaqaalaha dowladda Puntland oo dib u eegis lagu sameynayo
June 6, 2015 (GO)- Magaalada Garowe waxaa maanta ka furmaya wejiga labaad ee kulanka dib loogu eegayo tayada shaqaalaha Puntland.
Kulankan oo ka dhici doona xarunta Hay'adda Cilmi Baarista Puntland ee (PDRC), waxaa furaya Madaxweyne Gaas.
Kulanka waxaa sidoo kale kasoo qayb geli doona wasiirro, xildhibaano iyo xubno metelaya shaqaalaha dowladda.
Faah faahin ku saabsan kulankan iyo weliba sawirrada dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...
GAROWE ONLINE