Shaqo joojin lagu sameeyay ciidamo ka tirsan AMISOM

Image

07 September, 2015(GO)-Dowladda Uganda ayaa shaqadii ka joojisay 15 ka mid ah ciidamadeeda ka hawl-gala Somalia ee qaybta ka ah Midowga Afrika.

Ciidamadan ayaa waxaa ka mid ah saraakiil sar-sare waxaana lagu tuhmayaa inay ku kaceen xad-gudubyo ay ka mid tahay Kufsi loo gaystay haween Somaliyeed iyo tacadiyo kale.

Afhayeenka millateriga Uganda Pady Ankunda oo u waramayay Wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegay in tallaabadan ula jeedaan sidii loo baari lahaa arinta ku saabsan kufsiga ay ka gaysteen Somalia.

“Waxaanu tallaabadan u sameynay qiimeyn guud oo aan ku sameynayno wax-qabadka ciidamadeenna, iyo walaaca laga qabo inay ku lug leeyihiin Kufsi loo gaystay haween Somaliyeed” Ayuu yiri Pady Ankunda.

Warbixin ay soo saartey Hay'adda u dooda xuquuqul Insaanka ee HRW ayaa lagu sheegay in kufsi loo geystay haween Somaliyeed oo xeryaha ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Muqdisho u doontay Dawo iyo Cunno kuwaasi oo soo barakacay xilligii ay jireen Abaarihii ka dhacay Somalia 2011.

Inkastoo Midowga Afrika uu si adag u beeniyay eedeymaha Kufsiga ah ee ay ciidamada AMISOM kula kaceen Haweenkan Somaliyeed ayaa hadana guddoomiyaha Midowga Afrika Nkosazana Dlamini-Zuma waxay horay u amartay in eedeymahan baaritaanno lagu sameeyo.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ciidamo ka tirsan Midoga Afrika lagu eedeeyo tacaddiyo ka dhaca Somalia, waxaana dhawaan magaalada Marka xasuuq ugu goysteen dad Shicib ah oo an waxba galabsan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad siyaasadeed oo ka taagan Muqdisho oo kacdoon shacab berri ka dhacaya

Xiisaddan siyaasadeed ee ka taan Muqdisho ayaa ku soo beegmaysa xilli aad u xasaasi ah, iyadoo maalinta berri ah oo ay bishu tahay 10-ka May.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 10:43AM

Farmaajo: Xasan Sheekh waa inuu maalmaha u haray ku dhawaaqaa nidaam doorasho oo loo dhan yahay

Farmaajo ayaa maamulka hadda jira ku eedeeyay inuu ku xadgudbayo xorriyadaha dastuuriga ah iyo xorriyadda hadalka.

  • Soomaliya

    08-05-2026

  • 07:51PM