Shariif iyo Farmaajo oo "balan ka bax" ku eedeeyay Xasan Sheekh Maxamuud

Image
Madaxwayneyaashii hore Soomaaliya ayaa waday dadaalo ay isugu soo dhaweynayaan Puntland iyo Dowladda federaalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayneyaashii hore ee Soomaaliya Farmaajo iyo Sheekh Shariif ayaa madaxwayne Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu "ka leexday shardigii ku xirnaa wadahadal dhexmara Dowladda Federaalka iyo Puntland".

Shuruudan waxay ahayd in laba todobaad dib loo dhigo dooda furitaanka dastuurka si fursad loo siiyo wadaxaajooyadda.

HOOS KA AKHRISO QORAALKOODA

Warsaxaafadeed,

Kaddib wada hadallo dhinaca telefoonka ah oo aanu si gooni gooni ah ula yeelannay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, ayaanu ku guuleysannay in labada dhinac naga aqbalaan in wada hadal lagu dhammeeyo khilaafka siyaasiga ah ee jira, la isuguna yimaado gogol.

Si arrintan bilowga ah fursad loo siiyo waxaan isla meel dhignay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu hakad galiyo galka la xiriira wax-ka baddalka dastuurka muddo laba asbuuc ah. Hase yeeshee, waxaa muuqata kaalintii odaynimo aanu isu xilqaannay in ay mira dhali wayday kaddib markii aanu dhanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wax jawaab celin ah ka waynay, uuna mar kale ku dhaqaaqay jabinta qodobkii shardiga u ahaa in wada hadalladu ay bilowdaan.

Dalkeennu wuxuu haatan taagan yahay isgooys adag oo ay khatar ku jirto midnimadeenna dhuleed iyo madaxbannaanideena, waddada kaliya ee looga gudbi karana uu yahay in lagu wajaho wadatashi, isqancin iyo isu tanaasul. Waxaa noo muuqanaya in Madaxweynaha uu oo ka leexday wixii lagu ballamay, taasno keeni karto inuu dalka galo xalad kala qeybsanaan iyo khilaaf horleh.

Waxaan si wadajir ah ugu mahadcelinaynaa Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni soo dhaweynta iyo ajiibista gogosha dhexdhexaadinta, waxaana cid walba oo daneysa arrimaha siyaasadda Soomaaliya u caddeynaynaa in wixii kala fogaansho iyo kala tag ah uu masuuliyaddeeda qaadayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa ku saxiixan warsaxaafadeedkan;

1. Mudane Shariif Sheekh Axmed
2. Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

13ka Febraayo, 2024


GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo duulaan ku ah Kismaayo

Qorshaha weerarka Axmed Madoobe ayaa noqonaya midkii labaad tan iyo 2019, oo isku daydo dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-11-2024

  • 11:44AM

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ku heshiiyey xoojinta iskaashiga garsoorka

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Soomaaliya ayaa Muqdisho kula kulmay Safiirka Shiinaha, Wang Yu.

  • Soomaliya

    26-11-2024

  • 04:18AM