Shariif oo ka digay burburka heshiiskii 17-kii September

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shariif Sheekh Axmed, guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta ayaa Isniinta maanta ah sheegay in Jimcaha uu jiri doono banaanbax kale kana dhan ah dowlada dhacdey ee Farmaajo.

Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya ayaa madaxda Puntland iyo Jubaland uga mahadceliyey "mowqifka Soomaalinimada ah" iyo "macluumqqdja muhiimka ah" ee ay la wadaageen dadka.

"Waxaa noo muuqata in dalka aan loo waddin doorasho oo la doonayo in lagu haysto xukun askari," ayuu ka yiri shir jaraa'id oo Musharaxiinta ay ku qabteen Hotel Jazeera.

Intii uu hadalka ku guda jiray, Shariif oo xusay in wali aan garowshiyo laga bixin weerarkii lagu qaadey Musharaxiinta ayaa ka digay in uu burbur ku yimaado heshiiskii 17-kii September.

"Dhamaan musharaxiinta waxay jeclaan lahaayeen berri - iskaba daayee berri dambe - berri doorasho la qabto ayay diyaar u yihiin. Laakiin waa in ay noqoto doorasho daahfuran xor iyo xalaal ah," ayuu yiri.

Ciidamadda ayuu cod dheer ugu baaqay in ay faraha kala baxaan siyaasadda "una hogaan-samaan sareynta sharciga" isla markaana aysan daacad u noqon madaxda muddo xileedkooda uu dhamaadey.

Dadweynaha ayuu cod dheer uga dalbadey in ay kala soo qeybgalaan mudaaharaadka lagu balansan-yahay in uu Muqdisho ku qabsoomo dhamaadka todobaadkan kaasoo aan la ogeyn in dowlada is hortaagi doonto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo ka digay firaaq dastuuri ah haddii aan heshiis laga gaarin doorashooyinka Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale sheegay in tallaabooyinka xiga ee Puntland ay ku xirnaan doonaan dareenka shacabka.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 05:09AM

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM