Shariif Xasan oo Madoobe Nuunow wasiir u soo magacaabey
March 4, 2015 (GO)- Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shiriif Xasan Sheekh Aadan ayaa Wasiirka Xannaanada Xoolaha usoo magacaabey Madoobe Nuunow Maxamed.
Nuunow oo horay mucaarad ugu ahaa maamulka Madaweyne Shariif wuxuu hoggaaminayey garabkii maamulka lixda gobolka ee magaalada Baydhabo lagu dhisey.
Shariif Xasan oo ka hadlayey munaasabad Baydhabo ka dhacdey ayaa sheegay in tallaabadani cadeyn u tahay biseylka siyaasadeed ee siyaasiyiinta gobollada Koonfur Galbeed gaareen.
Wuxuu sidoo kale sheegay in mustaqbalka dhow uu xil kan ka muhiimsan usoo magacaabi doono Madoobe Nuunow balse xilka hadda loo dhiibey yahay mid ku meel gaar ah.
Nuunow oo isna ka warbixiyey dareenkiisa ku aadadn xilkan, wuxuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay si weynna usoo dhoweynayo.
Wuxuu sidoo kale tilmaamey inuu ka tanaasuley mucaaradnimadii hadda kadibna dowladda Shariifku hoggaamiyo si wacan ula shaqeyn doono.
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo dhomeystirey golihiisa wasiirrada oo ka kooban 64 xubnood.
GAROWE ONLINE