Sharmaake: Farmaajo shaar si qaldan loo tolay ayuu raadinayaa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Maxamed C/llaahi Farmaajo wuxuu isku dayayaa in uu isku milo ololihiisa soo laabashadda iyo qabashada doorasho hufan, sida uu shaaca ka dhigay Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmaake.

Sharmaake oo wareysi siiyey Hanoolaato ayaa daaha ka rogay in muhiim ay tahay in ahmiyad gooni ah la siiyo sidii dalka uga qabsoomi lahayd doorasho habraaca loo marayo ay door ku leeyihiin dhamaan dhinacyada ay khuseyso.

Sidda laga soo xigtay Sharmaake oo laba jeer soo qabtay xilka ra'iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, mudadii ay jirtay dowladda Farmaajo waxaa "dhaawacmay" shan mabda' oo aas-aas u ahaa xoojinta dowlnimadda Soomaaliya.

Dib-u-heshiisiinta, nidaamka federaalka, ammaanka, dhexdhexaadnimadda ciidamadda iyo qadiyadda Somaliland ayuu ku kala sheegay.

"Dowladdan afartii sano ee ay joogtay waxaa soo baxay dad dhahaya annaga reeraheena federaalka waa ku dulman nahay. Way dhici kartaa dad qaarkood in aysan fursad ka helin maamuladda dhexdooda laakiin taas in aan saxno waaye. Laakiin, ma ahan in wixii dhisnaa in la dumiyo," ayuu xusay.

Dhanka kale, kaalinta ra'iisul wasaaraha ee xilliga kala guurka ayuu cod dheer ku sheegay in hadda loo maareynayo si ka duwan qaababkii hore.

"Afartii sano ee lasoo dhaafay siyaasadda Soomaaliya waxaa lumay dheelatirka Ra'iisul Wasaaraha. Ra'iisul Wasaaraha waa siyaasad ma ahan maamul. Ra'iisul Wasaarihii ayaa hadda waxaa loo keenay in meel maamul kaliya in uu ka hadlo am aka shaqeeyo. Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha waxaa loo sameeyay in siyaasadda ay ku socoto si siman oo dhinac uusan raran. Taas dhan ayaa meesha ka maqan taasaana dhibaatada keentay," ayuu tibaaxay.

Farmaajo ayuu si adag wuxuu ugu booriyey in uu u turo waddanka isla markaana uusan u horseedin colaad isla markaana uu muujiyo hogaamiyenimo.

"Doorashadda shaar ma ahan uma tolan kartid sidaad rabto. Madaxdii hore way ka shaqeyn jireen in ay doorashadda kusoo laabtaan haddana shaarka lama ekaan jirin. Farmaajo malaha wuxuu raadinayaa shaar si qaldan loogu tolay harqaanka," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM