Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya — Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Jimcihii si adag u cambaareeyay xaaladda amni ee dalka iyo cadaadiska sii kordhaya ee dowladda federaalka ay saareyso saxaafadda madaxa-bannaan, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif oo sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka, ayaa ku eedeeyay dowladda in ay si bareer ah u beegsanayso saxafiyiinta iyo warbaahinta madax-bannaan, taasoo uu ku tilmaamay mid dhaawaceysa hannaanka dimuqraadiyadda iyo hay’adaha dowliga ah ee dalka.

“Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh,” ayuu yiri. “Lama aqbali karo in saxafiyiin la caburiyo ama la handado sababo siyaasadeed awgood.”

Madaxweynihii hore ayaa ugu baaqay dowladda in ay joojiso faragelinta ay ku hayso warbaahinta xorta ah, isla markaana ay dhowrto xuquuqda suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Sheekh Shariif ayaa ku eedeeyay dowladda in ay adeegsaneyso caburin iyo caga-jugleyn si loo aamusiyo warbaahinta madaxa-bannaan, taasoo uu sheegay in aan lagu dulqaadan karin.

Hadalka Sheekh Shariif ayaa yimid kadib markii maanta Ciidamada dowladda ay xireen illaa 6 wariye xili wadooyinka Muqdisho qaarkood ay dadweynaha waydiinayeen aragtidooda ku aadan shirarka mucaaradka uga billowday Caasimadda.

Mas'uuliyiinta dowladda ayaan si degdeg ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Sheekh Shariif.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM