Sheekh Shariif oo eedeymo culus u jeediyay dowladda Soomaaliya

Image

MOGADISHU, Soomaaliya – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada ay ciidamada dowladda federaalka ku qaadeen deegaanka Jasiira iyo shirkii mucaaradka ee Muqdisho shalay oo Isniin ahayd, isaga oo ku tilmaamay ficilladaas kuwo aan loo dulqaadan karin.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in dowladda federaalka ay ku xad-gudubtay xuquuqda muwaadiniinta. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in dowladda ay la wareegtay Xarunta Haweenka Qaranka [Guriga Hooyooyinka] iyo inay soo rogtay canshuur cusub oo ganacsiga Muqdisho la saarey, isagoo ku sifeeyay falalkaasi inay yihiin “kuwa sharci darro ah oo ka soo horjeeda dastuurka.”

Weerarada soo noq-noqday ayaa imaanaya xili ay jirto xiisad u dhaxaysa dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo qaybaha kala duwan ee mucaaradka iyo Dowlad Goboleedyada (Puntland iyo Jubaland). Xasilooni darada siyaasadeed ee sii xumaaneysa waxay muujineysaa khatar weyn oo soo wajahday geedi socodka dib u dhiska iyo dowlad-dhiska dalka.

Xiisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa si dhaqso ah u sii kordhaya, taasoo muujineysa kala qeybsanaanta siyaasadeed ee sii laba laabmeysa, taasoo halis galin karta horumarka jilicsan ee Soomaaliya ee sanadihii u dambeeyay la soo maray. Khubaro ayaa ka digaya in tallaabooyinka dowladda hadda jirta ay keeni karaan cawaaqib xun oo dhammaan shacabka iyo amniga guud ee dalka saameeyaa.

Cambaareynta xooggan ee Sheekh Shariif ayaa kor u qaadaysa doodda ku saabsan maamulka iyo xuquuqda hadalka iyo isu soo baxa ee Soomaaliya, taasoo su'aalo gelinaysa jihada dalka uu ku socdo inay tahay mid wanaagsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Musuq-maasuq iyo $3.27 milyan oo maqan oo lagu eedeeyay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Warbixintu waxay sidoo kale muujisay farqi weyn oo ku saabsan dakhliga dowladda ka hesho Garoonka Caalamiga ah ee Aden Adde.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 06:35AM

Dagaal Culus oo Baydhabo ka Qarxay, Ciidamada Lafta-Gareen oo Sheegay inay Qabsadeen Magaalada

Baydhabo oo ah caasimadda Koonfur Galbeed ayaa ah magaalo muhiim u ah siyaasadda iyo amniga koonfurta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    17-08-2026

  • 07:07AM