Sheekh Shariif oo eedeeyay una digay hogaanka dowladda Soomaaliya
MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxda dowladda federaalka ah ayaa "ismoodsiinayaan dhibaato muuqata" oo ka dhalan karta xaaladaha siyaasadeed ee ku geedaaman doorashooyinka, sidda uu sheegay Shariif Sheekh Axmed.
Madaxweynihii 7aad ee dowlada Soomaaliya oo ka digay iska-indhatirkaas ayaa hogaanka dalka ku eedeeyay in ay doonayaa in ay qaab sharci darro ah xukunka kusii joogaan "arrintaasna mana ogolaan karno".
Hadalkan oo uu kusoo qoray barahiisa bulshadda ayaa kusoo hagaagaya xilli uu fashil ku dhow-yahay wejiga saddexaad ee shirka Dhuusamareeb, kaasoo muhiim u ahaa habka looga gudbayo marxalada kala guurka.
"Waxaan aaminsanahay in madaxda dowladdu aysan daacad ka ahayn heshiis laga gaaro xasaradda siyaasadeed ee u dhaxeysa iyaga iyo dowlad goboleedyada, sidoo kalena aysanba qorshaha ugu jirin qabashada doorasho heshiis lagu yahay," ayuu yiri.
Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Himilo Qaran ayaa ku daray: "Xaqiiqdii dalkaan waxaan ka keennay meel aad u adag, sidaa darteed marna ma oggolaan karno in aayaha iyo masiirka ummaddu u afduubnaado ashkhaas kursiga inay sii joogaan kaliya raba".
"Waxaan ka digeynaa dhibaato noo muuqata oo madaxda wakhtiga uu kasii dhammaanayo ay ismoodsiinayaan, waxaana caddeyneynaa in aan marnaba laga aqbali doonin in maalin ay kursiga sharci darro kusii joogaan," ayuu xusay.
Wuxuu kusoo gabagabeeyay hadalkiisa: "Sidoo kale waxaan uga digeynaa guddoonka Golaha Shacabka inay ka fiirsadaan tallaabooyinka aan dastuuriga ahayn ee ay ku dhaqmayaan, iyadoo ujeedku yahay in xil-kordhin ay u xalaaleeyaan madaxtooyada".
Madmadow badan ayaa ku xeeran habka uu waddanka uga baxayo xaalada kala guurka iyo nooca ay noqoneyso coddeynta 2020-21, iyaddoo doodaha is-haya ay yihiin doorasho qof iyo cod si lamid ah mid dadban.
Fashil walba oo ku yimaada wadahadala madaxda Soomaalida ee arrimaha doorashooyinka ayaa dhabaha u xaari kara faragelin ka timaada Beesha Caalamka, arrintaas oo weji gabax ku noqoneyso hogaanka dowlada dhexe.
GAROWE ONLINE