Sheekh Shariif oo ka digay "muddo kororsi aan lagu heshiin"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa ka digay in madaxda dowladda federaalka ee waqtiga ka dhamaadey in ay ku dhiiradaan "muddo kororsi aan lagu heshiin".

Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta oo Isniinta maanta ah warbaahinta kula hadlay Huteel Jazeera ee magaaladda Muqdisho ayaa xusay in talaabadaas ay horseedeyso xasilooni darro siyaasadeed iyo mid amni.

"Muddo kororsi waa jirayaa laakiin waa in ay noqotaa mid lagu heshiiyey. Waxaan ka digeynaa kororsi aan lagu heshiin," ayuu Shariif yiri kadib kulan ay maanta yeesheen xubnaha Midowga Musharaxiinta.

Dhamaan hay'addaha dowliga ah ee waqtigooda dhamaadey si gaar ah xubnaha baarlamaanka federaalka ah ayuu cod dheer ugu tartarsiiyey in aysan ka qeyb-qaadan dheereysiga una diyaar-garoobaan doorasho.

Ciidamadda ammaanka ayuu ku waaniyey in ay u hogaan-samaan shuruucda waddanka isla markaana aysan fulin amarada ka hor-imaanaya sharciga ee ay siinayaan amdaxda muddo xileedka ka dhamaadey.

"Hadii aad fulisaan dambiyo ayaa ka dhalan doona," ayuu Shariif ku daray hadalkiisa isaga oo u muuqda mid digniin culus hawada u marinaya askarta iyo guud ahaan saraakiisha kala duwan ee ciidanka qalabka sida.

War-saxaafadeed wadajir ah oo Midowga Musharaxiinta ay soo saareen xalay ayay ku sheegeen in aysan Farmaajo u aqoonsaneyn madaxweynaha rasmi ah ayaga oo ku taliyey in la aas-aaso gole heer qaran ah.

Golahaas oo noqonaya mid kumeelgaar ah waxay sheegeen in ay xubno ka noqonayaan guddoomiyeyaasha labada aqal ee baarlamaanka, musharaxiinta, madaxda maamulada iyo ururada bulshada rayidka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM