Sheekh Shariif, Xasan Sheekh iyo siyaasiyiin ka degay Kismaayo
KISMAAYO, Jubbaland – Madaxweyneyaashii 7aad iyo 8aad ee Soomaaliya ayaa Khamiista maanta ah waxay siyaabo kala duwan u gaareen magaaladda Kismaayo, caasimadda ku meel gaarka Jubbaland.
Sheekh Shariif Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxay kala hogaaminayeen wafuud ka tirsan xisbiyadooda Himilo Qaran iyo Midowga Nabadda & Horumarka.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa madaarka diyaaradaha Siyad Maxamed Cabdulle Xasan kusoo dhaweeyay xubnahan, kuwaasi oo warbaahinta la hadlay una mahad-celiyay.
Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hogaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa kamid ah madaxda gaartay xarunta gobolka Jubadda Hoose oo amnigeeda la adkeeyay.
Saciid Cabdullaahi Deni, hogaamiyaha maamulka Puntland, Senator Cabdiraxmaan Faroole iyo Xildhibaano, ayaa kasii horeeyay oo si heer sarre ah loo qaabilay.
Xafladda caleema saarka Axmed Madoobe oo qorshuhu yahay in ay qabsoonto maalinta Sabtida ah ee todobaadka dambe ayay dhamaan xubnahan kasoo muuqan doonan.
Socdaalka mas'uuliyiintan ayaa yimid ka gedaal markii xukuumadda federaalka ay qaadey xayiraadii dhanka hawada ee Jubaland, taasi oo ka dambeysay markii cadaadis uu kaga yimid Beesha Caalamka.
GAROWE ONLINE