Sheekh Umal oo ka hadlay xayiraadda Kenya saartey hantidiisa

Image

April 12, 2015 (GO)- Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa iska fogeeyey eedayn uga timid dowladda Kenya, taasoo ah inuu xiriir la leeyahay ururka Al-shabaab.

Sheekha oo kamid ah culimada diinta ee ugu caansan kuwa Soomaalida, wuxuu ku jirey dad todobaadkii hore dowladda Kenya akoonadooda xanibtey.

Umal oo isaga oo Nairobi ku sugan warbaahinta la hadlay ayaa wax laga xumaado ku tilmaamey in bankiga Kenya hantidiisa xayiraad saaro, taas isagoo ka hadlayeyna wuxuu yiri.

"wax aad loola yaabo weeye in Kenya ay hantideyda xanibto ama ay igu eedeyso inaan Al Shabaab taageero" ayuu yiri isagoo intaas raaciyey "arrintan aniga iska dhaafee qof kasta ayay yaab gelineysaa, maxaa yeelay waala ogyahay halka aan kala joogno aniga iyo Al Shabaab".

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo sidoo kale kamid ah Soomaalida ganacsiga ku leh Nairobi, wuxuu si joogto ah u dhaliilaa siyaasadaha Al-shabaab isagoo ka diyaariyey barnaamijyo badan kuna tilmaamey inay leeyihiin tilmaamaha Khawaarijta.

Bankiga dhexe ee dowladda Kenya ayaa todobaadkii hore xannibey 86 akoon oo la sheegay inay leeyihiin shirkado iyo shaqsiyaad lagu soo eedeeyey inay taageeraan Al-shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM