Shil Gaari oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shil gaari oo geestay khasaaro ayaa waxa uu ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe, ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Shilka ayaa waxa uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Ciisaley, kadib markii uu rogmaday Gaari nooca xamuul ah oo caano kasoo qaadey Ceel-Macaan, oo kusoo jeeday degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa Warsidaha Garowe u xaqiijiyay in shilkaasi ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 9 qof oo rag iyo dumar isagu jira, kuwaasi oo la dhigay Isbitaalka Keysaney.

"Gaariga ayaa ku socday xawaare sare, iyadoo aan haysan wado nadiif ah, waxaana darawalka uu sameeyay mas'uuliyad darro oo dadka rakaab ah naftoodii halis geliyay", ayuu yiri ninkan oo magaciisa ka gaabsaday.

Shilka kadib, goobta waxaa gaarey dadka deegaanka oo u gurmaday dhaawacyada, oo ay usoo qaadeen Isbitaallada magaalada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM