Shilka diyaaradeed ee Bardaale oo "halis gelinaya" hawada Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Shilkii diyaaradeed ee ka dhacay Bardaale waa dhacdo halis iyo khatar ku ah hawada Soomaaliya, sidda uu shaaciyey Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii 7aad ee waddanka.

Diyaaradda burburtay oo laga leeyahay Kenya ayaa shixnad gargaar caafimaad iyo agab kale oo loogu talagalay ka hortagga Covid-19 ka qaadey Muqdisho, una waday Baydhabo, Bardaale iyo Baardheere.

Lix qof oo gebi ahaan la socday duulimaadka oo laba kamid ah ay ahaayeen duuliyeyaal ayaa ku naf-waayey shilkaas. Illaa iyo haatan lama ogga sababta dhabta ah ee keentay soo dhicitaanka diyaaradda.

Maamulka shirkadda African Express oo iska leh diyaaradda ayaa ku eedeeyay ciidamadda Itoobiya ee ku sugan Bardaale in ay soo rideen diyaaradooda.

Shariif, guddoomiyaha Madasha Xisbiyadda Qaran oo ay ku mideysan yihiin lix kamid ah xisbiyada siyaasadeed ee dalka, ayaa taageeray wararka tilmaamaya diyaaradda lagu soo riday gantaal lagu dhiftay.

"Waxaa gantaal lala beegsaday diyaarad rayid ah oo daawao mucaawino Covid-19 kaalma u ah u siday magaalada Bardaale ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Waxaa gabi ahaanba ku dhintay shilkaas dhammaan rakaabkii iyo shaqaalihii diyaaradda oo 6 qof ka kooban," ayuu yiri Shariifka.

Siyaasiga oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay: "Waa dhacda halis iyo khatar ku ah hawada dalkeenna, taasoo aan u aragno mid xadgudub ku ah xeerka diyaaradaha rayidka iyo gurmadka dagdaga ah.

"Waxaan canbaareeynayaa falkaas fooshaxun, waxaana tacsina u dirayaa eheladii dadkii shilkaas lagu dilay, waxaan soo jeedinayaa in baaris madaxbannaan lagu sameeyo, xaqiiqada soo baxdana shacabka lala wadaago," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Shariif Sheekh Axmed.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa isla meeldhigay baaritaan wadajir ah oo lagu sameeyo sababta soo riday diyaaradda, iyaddoo illaa iyo haatan aanan wali lasoo warin haddii la helay Sanduuqa Madow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM