Shilkii Berdaale oo kashifay halista ciidanka aan AMISOM kamid ahayn

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Shilkii diyaaradeed ee ka dhacay Berdaale 4-tii bishaan Maaj, 2020 ayaa soo shaaciyey khatar horleh oo ku geedaaman ciidamada aan kamid ahayn AMISOM, sidda uu sheegay Senator.

Xildhibaan Ilyaas Cali Xasan, gudoomiyaha guddiga Kheyraadka Aqalka Sarre baarlamaanka ahna Xoghayaha Arrimaha Dibadda Xisbiga Himilo Qaran ayaa sidaas kusoo qoray bartiisa gaarka ah Twitter-ka.

Hadalka mudanaha ayaa kusoo beegmay saacado kadib markii ciidamadda Itoobiya ay qirteen in ay soo rideen diyaaraddii African Express, taas oo burburkeeda uu sababay dhimashadda lix ruux.

Ciidamadda Itoobiyaanka ah ee soo ridday diyaaradda ayaa la xaqiijiyey in aysan qayb ka ahayn howlgalka nabad-ilaalinta AMISOM.

Senator Ilyaas ayaa dhacdadaas wuxuu la xiririiyey xiriirka dhow ee ka dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo ra'iisul wasaare Abiy Axmed.

"Mudane Madaxweyne, hadda si dhab ah ayaanu u fahanay tafaasiisha is-xulafeysiga 'xaaraanka ah' ee u dhaxeeya adiga iyo Abiy Axmed kaasoo uu ku fahfaahiya in aad ka dhuumato baarlamaanka iyo dadweynaha Soomaaliyeed, balse ALLE ayaa soo shaac-bixiyey," ayuu yiri.

Wallow uusan isagu ku hadli karin afka labada aqal ee baarlamaanka federaalka, haddana wuxuu tibaaxay ay go'aano kasoo saarayaan.

"Baarlamaanka iyo dadka Soomaaliyeed waxay qaadi doonan talaabooyin go'aan leh si loo badbaadiyo madax-banaanida, sharafta dhulka iyo dhiiga Soomaaliyeed ee ku daatay Berdaale," ayuu hadalkiisu ku daray.

Ciidamadda aan qaybta ka ahayn AMISOM ee jooga Soomaaliya waxay badankooda kasoo jeedaan Itoobiya. Bilooyinkii lasoo dhaafay ayay kusoo qulqulayaan gobolada kala duwan ee waddanka.

"Joogitaanka ciidamada aan qeybta ka ahayn AMISOM ee gudaha Soomaaliya waxay dhalisay khatar horleh iyo xadgudub ka dhan ah madax-banaanideena waqti xaadirkaan," ayuu kusoo gabagabeeyay hadalkiisa Xildhibaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM