Shir albaabada u xiran yahay oo u bilowday madaxda Soomaalida

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirka Afasiyooni ayaa dhowaan bilowdey. Ka qeybgalayaasha inta badan waxay gaareen goobta kulanka ka dhacayo.

Wadahadaladda oo diiradda lagu saarayo ajandaha shirka soo aadan waxay noqon doonan kuwa albaabada u xiran yihiin taasoo la macno ah in warbaahintu ka qeybgeli doonin.

Shirkan wuxuu ka dambeeyay markii dedaalo badan ay bixiyeen wakiilada Beesha Caalamka kadib fashilka wadaxaajoodyadii madaxda maamuladda.

Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, wasiirka arrimaha gudaha Puntland oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook, ayaa rajeeyay in kulankan uu guuleyato.

"Shirka maantay Magaalada Mogadishu uga furmay Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Masuuliyiinta muddo xileedkoodii dhammaaday ee Dowladda Federaalka ah waxaan u rajaynayaa guul. Shirku waa mid gogol xaar u ah shirkii lagu balansanaa inuu ka dhaco Magaalada Mogadishu si looga hadlo arrimaha doorashooyinka," ayuu ka dhawaajiyey.

Wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA ayaa warisay in shirka uu furmay madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo.

"Madaxwaynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhamaystirka Arimaha Doorashooyinka, oo ay goob joog ka yihiin, Ra'iisul wasaaraha XFS ,Madaxda maamul gobolleedayda dalka iyo maaamulka gobolka Banadir," ayaa lagu daabacay barta Facebook ee SONNA.

Kulankan ayaa soo degdegay ka gedaal markii wakiilada Beesha Caalamka ay siiyeen madaxda Soomaalida in ay todobaad ku heshiiyaan - haddii kale sameynayaan faragelin toos ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM