Shir albaabada u xiran yahay oo u bilowday madaxda Soomaalida

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirka Afasiyooni ayaa dhowaan bilowdey. Ka qeybgalayaasha inta badan waxay gaareen goobta kulanka ka dhacayo.

Wadahadaladda oo diiradda lagu saarayo ajandaha shirka soo aadan waxay noqon doonan kuwa albaabada u xiran yihiin taasoo la macno ah in warbaahintu ka qeybgeli doonin.

Shirkan wuxuu ka dambeeyay markii dedaalo badan ay bixiyeen wakiilada Beesha Caalamka kadib fashilka wadaxaajoodyadii madaxda maamuladda.

Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, wasiirka arrimaha gudaha Puntland oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook, ayaa rajeeyay in kulankan uu guuleyato.

"Shirka maantay Magaalada Mogadishu uga furmay Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Masuuliyiinta muddo xileedkoodii dhammaaday ee Dowladda Federaalka ah waxaan u rajaynayaa guul. Shirku waa mid gogol xaar u ah shirkii lagu balansanaa inuu ka dhaco Magaalada Mogadishu si looga hadlo arrimaha doorashooyinka," ayuu ka dhawaajiyey.

Wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA ayaa warisay in shirka uu furmay madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo.

"Madaxwaynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhamaystirka Arimaha Doorashooyinka, oo ay goob joog ka yihiin, Ra'iisul wasaaraha XFS ,Madaxda maamul gobolleedayda dalka iyo maaamulka gobolka Banadir," ayaa lagu daabacay barta Facebook ee SONNA.

Kulankan ayaa soo degdegay ka gedaal markii wakiilada Beesha Caalamka ay siiyeen madaxda Soomaalida in ay todobaad ku heshiiyaan - haddii kale sameynayaan faragelin toos ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Somaliland oo is-dhaafsaday Maxaabiis Dagaal 

Wasiirku wuxuu ku tilmaamay is-weydaarsigan mid muhiim u ah dhismaha kalsoonida iyo xasilinta xiriirka labada dhinac.

  • Soomaliya

    30-04-2025

  • 09:36AM

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM