Shir dhexmaraya DF iyo maamulada oo lagu dhawaaqay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowlada federaalka ah iyo maamul goboleedyadda ayaa dhowaan ku shiraya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, sidda ay Axada maanta ah ku dhawaaqdey xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee dalka.

Ibraahim Maxamed Macalimuu, afhayeenka xukuumadda muddo xileedkeeda uu dhamaadey oo qoraal ku daabacay ciwaanadiisa baraha bulshadda, ayaa sheegay in shirkaas looga arrin-sanayo dhameystirka heshiiska doorashada.

Balse, afhayeenka wuxuu ku guuldareystay in uu shaaca ka dhigo taariikhda rasmiga ah ee uu furmayo shirka iyo cidda martigelin doonta.

Macalimuu oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in xukuumadda Rooble ay diyaar u tahay in ay miiska wadaxaajoodka la fariisato musharaxiinta. Dhawaqan wuxuu u muuqdaa mid uu ugu jawaabayo hadal ka yimid dhanka kale.

Musharaxiinta ayaa maanta waxay codsadeen in ay sii socdaan wadahadaladda isla markaana ay aaminsan yihiin in arrinta Soomaaliya lagu dhameyn karo miiska wadahadalka dushiisa laguna xalin karin fagaareyaal kale oo ka baxsan.

"Iyada oo dhawaan la filayo in uu Muqdisho ku qabsoomo kulankii u dhaxeeyay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlada Goboleedyada dalka si loo dhameystiro Hishiiskii 17-ka Siteembar 2020 , Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu mar kasta diyaar yahay sii waddida wadahadalladii uu la lahaa Musharaxiinta Madaxtinimada Soomaaliya si guud iyo si gaar gaar ahba, si loo gaaro hishiis iyo is afgarad, dalkuna uu doorasho u aado," ayuu yiri afhayeenka.

Musharaxiinta iyo Xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa todobaadkii lasoo dhaafay waxay ku fashilmeen in ay ka heshiiyeen doorka ay u tartameyaasha madaxtinimadda ku yeelanayaan wadaxaajoodyadda doorashooyinka waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM