Shir dhexmaraya DF iyo maamulada oo lagu dhawaaqay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowlada federaalka ah iyo maamul goboleedyadda ayaa dhowaan ku shiraya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, sidda ay Axada maanta ah ku dhawaaqdey xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee dalka.

Ibraahim Maxamed Macalimuu, afhayeenka xukuumadda muddo xileedkeeda uu dhamaadey oo qoraal ku daabacay ciwaanadiisa baraha bulshadda, ayaa sheegay in shirkaas looga arrin-sanayo dhameystirka heshiiska doorashada.

Balse, afhayeenka wuxuu ku guuldareystay in uu shaaca ka dhigo taariikhda rasmiga ah ee uu furmayo shirka iyo cidda martigelin doonta.

Macalimuu oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in xukuumadda Rooble ay diyaar u tahay in ay miiska wadaxaajoodka la fariisato musharaxiinta. Dhawaqan wuxuu u muuqdaa mid uu ugu jawaabayo hadal ka yimid dhanka kale.

Musharaxiinta ayaa maanta waxay codsadeen in ay sii socdaan wadahadaladda isla markaana ay aaminsan yihiin in arrinta Soomaaliya lagu dhameyn karo miiska wadahadalka dushiisa laguna xalin karin fagaareyaal kale oo ka baxsan.

"Iyada oo dhawaan la filayo in uu Muqdisho ku qabsoomo kulankii u dhaxeeyay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlada Goboleedyada dalka si loo dhameystiro Hishiiskii 17-ka Siteembar 2020 , Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu mar kasta diyaar yahay sii waddida wadahadalladii uu la lahaa Musharaxiinta Madaxtinimada Soomaaliya si guud iyo si gaar gaar ahba, si loo gaaro hishiis iyo is afgarad, dalkuna uu doorasho u aado," ayuu yiri afhayeenka.

Musharaxiinta iyo Xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa todobaadkii lasoo dhaafay waxay ku fashilmeen in ay ka heshiiyeen doorka ay u tartameyaasha madaxtinimadda ku yeelanayaan wadaxaajoodyadda doorashooyinka waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM