Shil ka dhacay garoonka Muqdisho oo hakad geliyey shaqada madaarka

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Diyaarad u kireysan Qaramadda Midoobay kana diiwaan gashan dalka Kenya ayaa saakay oo Sabti ah waxay ku burburtay Garoonka diyaaradaha caalamiga ah Aadan Cadde ee magaala madaxda dalka Muqdisho.

Diyaaradda oo ay leedahay Shirkadda Silverstone ayaa soo dhacday daqiiqado kadib markii cilad soo wajahday iyadoo hawada sare ku jirta, oo kusoo jeeday magaaladda Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa xaqiijisay shilka diyaaradeed, iyadoo sheegtay in labo kamid ah 4 qof oo saarnayd diyaaradda ay dhaawacmeen, kuwaasoo la dhigay Isbitaalka AMISOM.

Waxaa hakad la geliyay duulimaadkii imaan lahaa Garoonka illaa gelinka dambe ee Maanta, iyadoo ay socdeen howlo diyaaradda burburtay looga leexanayo runway-ka ay fadhiso, ee 05, oo xiga dhinaca Badda.

Illo wareedyo ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in cilada soo wajahdey diyaarada ay tahay hydraulic problem, waana dhibaato isugu jirta maqalka iyo cimilada.

"Shaqada garoonka waxaa la hakiyey illaa amar dambe. Duulimaadyo maxali iyo caalami ah ayaa la hakiyey. Runway-ga wuxuu u baahan yahay dayactir, shirkadana waanu kala hadlnay," ayuu yiri mas'uul u waramay GO

Dalka Soomaaliya ayaa sanadkan kusoo kordhaya shilalka diyaaradeed, iyadoo bishii July Garoonka Beledweyne ku dhacday diyaarad xamuul ah, oo gargaar bini'aadanimo u wadey shacabkii ay saameeyeen fatahaadaha Wabiga Shabelle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM