Shir ka dhacay Villa Soomaaliya xilli khilaafka doorasho uu wali jiro

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa xalay martigelisay wadaxaajoodyo saacado qaatay kaasoo kusoo hagaagaya xilli is-mari-waa xooggan uu ka taagan yahay habraaca doorashooyinka 2020-21.

Sidda uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online, shirkaas wuxuu u dhaxeeyay madaxweyne Farmaajo, Ra'iisul Wasaare, hogaamiyaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, iyo taliyaha hay'adda sirdoonka, Fahad Yaasiin.

Wararka ayaa sheegaya in fadhigaas si gaar ah loogu lafa-guray diidmada ay murashaxiinta ka muujiyeen guddiyada doorashooyinka iyo albaabada furan oo madaxda waqtiga kasii dhacayo ay ku xalin karaan.

Illaa haatan ma cadda go'aanka ay isla meel-dhigeen madaxda. Balse waxaa cadaadiska ugu weyn ee kaga imaanaya Beesha Caalamka iyo murashaxiinta uu yahay in ay bedelaan xubnaha guddiyada lagu soo daray.

Murashaxiinta ayaa ku doodaya in xubnaha ka yimid Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle ay soo xulatay Villa Soomaaliya ayna dooneyso in ay ku shubato coddeynta "maadama ay yihiin sarkaal sirdoon iyo shaqaale".

Dowladda Soomaaliya iyo maamulada ayaa gaashaanka ku dhuftay sheegashadaas, hasayeeshee, masoo bandhigin caddeymo.

Macluumaadka ayaa intaas ku daraya wadahadalka ka dhacay Villa Soomaaliya lagus oo qaadey dalabka murashaxiinta ee ku aadan in uu xafiiska baneeyo agaasimaha hay'adda sirdoonka Qaranka, Fahad Yaasiin.

Tartameyaasha ayaa ku eedeeyay Fahad in uu ka shaqeynayo sidii uu u soo laaban lahaa madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo ee Farmaajo. Dhanka kale, taliska NISA wali si rasmi ah ugama jawaabin eedeyntaas.

Fahad Yaasiin Daahir oo ah mas'uulka ugu tunka weyn dowladda haatan jirta ayaa la rumeysan yahay in uu yahay shaqsiga gaara go'aanka ugu dambeeya ee arrimaha waaweyn sidda doorashda kuna xiran yahay Qadar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM