Shir ku saabsan New Deal-ka oo Garowe ka furmey

Image

January 27, 2015 (GO)- Magaalaada Garowe waxaa maanta ka furmay shir balaaran oo lagaga hadlayo barnaamijka horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee NEW DEAL, kaas oo dunidu ka taageerto Soomaaliya.

Madaxweyne Gaas, Inta badan xubnaha golaha wasiirada, madaxda hay’adaha caalamiga ah ee gudaha ka shaqeeya, xubno ka socday dowladda federaalka, maamulada kale ee dalka iyo safiiro ka socday dalalka deeq bixiyaasha ayaa shirka ka qayb-galay.

Madaxweynaha  ayaa shirka furay, wuxuuna boggaadiyey qorshaha horumarinta ah ee uu barnaamijku xambaarsan yahay. Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay in ay ka soo kabsato colaadihii iyo burburkii dhacay.

Wuxuu sheegay in Puntland ay ku faraxsan tahay in lagu qabto shirka heerka qaran ah ee lagaga hadlayo New Deal iyo maarayntiisa. Barnaamijkan ayaa intiisa taageeraya dhismaha kaabayaasha dhaqaale ee guud ahaan qaybaha dalka iyo soo celinta Soomaaliya.

“Dabcan Siyaasadda ayaa Huggaamisa horumarka laakiin meesha aanu ka hadhnay adduunka waa dhowr iyo labaatankii sano ee u dambeeyey ee adduunku gaadhey horumarka, marka wixii horena waa burburay wax dambe  oo dhowriyo labaatankaa sanno waddanka lagusoo kordhiyeyna majirto.” Ayuu yiri Cabdiweli.

Dhowr ayaa shirar looga arrinsanayo New Deal lagu qabtay, Brussels, Muqdisho, Copanhegan iyo Garowe. Waxaana jira tuhumo musuq maasuq oo ay beesha caalamku ka qabto hir-gelinta barnaamijkan iyo sida mashaariicdu uga fuli karaan guud ahaan wadanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo si gabasho la’aan ah ugu faanay guulaha Ciidamada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu maqaalka ku shegeey in dagaalka lagula jiro argagixisada…

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:26PM