Shir lagu kala qeybsan yahay oo ka furmay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Shir lagu kala qeybsan yahay ayaa Khamiista maanta ah wuxuu ka furmay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Shirkaas waxaa xaadiray maamuladda taabacsan dowladda waqtiga ka dhacay ee Farmaajo, halka ay iska fogeeyeen maamulada Puntland iyo Jubaland.

Ergada maamulka Galmudug ayaa sababo aan wali la shaacin waxay kaga maqan yihiin shirkaas oo warbaahinta ku hadasha afka dowladdu xustey in kulankaas uu horudhac u yahay wadahadaladda arrimaha doorashooyinka ee lagu waddo in uu ka bilowday caasimada waddanka.

Wakiilo la sheegay in ay ka socdaan HirShabelle, gobolka Banaadir iyo Koonfur Galbeed ayaa kasoo muuqday shirkan oo ka bilowday Hotel Decale ee ku dhexyaala garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Balse, mas'uuliyiinta Puntland iyo Jubaland ayaa gaashaanka ku dhuftay kulankaas, waxaana ay caddeeyeen in aysan qeyb ka ahayn isla markaana aysan haysan ogeysiis sax ah oo la xiriirta shirka.

Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, wasiirka arrimaha gudaha iyo dimuqraadiyeynta dowladda Puntland, ayaa tibaaxay in laga dhursugayo in shirkii lagu balansanaa in laysugu yimaado si dhaqsaa.

"Ma jiro wax shir horudhac ah ee arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo ka furmay Mogadishu, welina waxaa laga dhursugayaa in shirkii lagu balansanaa laysugu yimaado si dhaqsaa. Guul iyo Gobonimo," ayuu Dhabancad ku daabacay bartiisa gaarka ah ee mareegga Facebook.

Xersi Gaani, wasiiru-dhowlaha Madaxtooyadda Jubaland oo ay soo xigatay warbaahinta maxaliga ah, ayaa ka dhawaajiyey in Jubaland ay diyaar u tahay ka qeybgalka shir loo-dhan-yahay kana dhaca goob amnigeeda la isku haleyn karo lana fulinayo natiijadda kasoo baxda wadahadalka.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa waxay u sheegeen warsidaha Garowe Online in shirkaas uu amray madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo ayna qeyb ka tahay talaabooyinka uu ku carqaladeynayo geedi-socodka iyo wadaxaajoodyo dalka u horseedaya doorashooyin heshiis lagu yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM