Shirka arrimaha doorashooyinka oo "ku dhow burbur"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Shir lagu wadday in Talaadada maanta ah Muqdisho ku dhexmaro madaxwayneyaasha maamul goboleedyadda waddanka iyo hogaanka dowladda federaalka ayaan qabsoomin, sidda ay warsidaha Garowe Online u sheegeen illo wareedyo aad loogu kalsoon yahay kuna dhow dhinacyadda.

Sidda ay muujinayaan warbixinadda, wadaxaajoodyadda oo ku yimid cadaadis siyaasadeed oo Beesha Caalamka kaalin weyn ay ka cayaartay ayaa qarka ku saaran in gabi ahaanba ay burburaan/fashilmaan.

Warbixinadda uu helayo mareegga GO ayaa muujinaya in madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo uu caqabad ku yahay meelmarinta qaar kamid ah shuruudaha qabsoomida wadahadalada.

"Madaxwayneyaasha dowlad goboleedyadda waxay mabda’ ahaan isla qaateen amniga iyo goobta shirka," ayay sheegeen illo wareedyadda. "Balse, waxaan wali la isku fahmin ajandaha kulanka iyo ka qeybgaleyaasha si gaar ah kaalinta Farmaajo oo u muuqda caqabada kaliya ee hor-taagan".

Waxay raaciyeen: "Maanta waxaa qorshuhuahaa in uu dhaco laba kulan - maamulada iyo Ra'iisul Wasaare Rooble iyo hogaamiyeyaasha maamulada soo si gaar ah isku arka. Madaxda Puntland, Jubaland iyo Musharaxiinta waxay ka tanaasuleen in Farmaajo shir guddoomiyo kulanka. Balse guusha waxay ku xiran tahay Farmaajo oo aqbala is-afgaradkaas".

Golaha Badbaado Qaran ayaa horey u codsaday in Farmaajo uu shirka kaga soo muuqdo isagoo lamid ah musharaxiinta, in uu saxiixo warqad caddeyneysa in waqtiga ka dhamaadey iyo goobjoogeyaal caalami ah si ay damaanad-qaadayaal uga noqdaan dhaqan-gelinta natiijada shirka.

Maamulka Farmaajo oo u han-qal-taagaya dib-u-doorasho ayaa dhankiisa wuxuu doonayaa in dowlada federaalka martigeliso shirka, ajandaha isku koobto iyo in aan la wajahin walaaca amniga iyo ciidamadda.

Farmaajo oo ku dhowaad laba bilood xafiiska jooga isagoo muddo xileedkiisa dastuuriga uu idlaadey ayaa lagu eedeeyay in uu goobayo doorasho boob ah iyo in uu dilo dimuqraadiyadda curdunka ah ee dalka. Diblumaasiyiinta waxay si ula socdaan xaalada cakiran ayagoo si taxadar u raadinaya xalka ama faragelin toos ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM