Shir u bilowday madaxweyneyaasha maamul goboleedyada

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shir madaxeed u dhaxeeya madaxwayneyaasha dowlad goboleedyadda Soomaaliya ayaa Sabtida maanta ah wuxuu ka bilowday Airport Hotel ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Xafiisyadda hogaamiyeyaasha maamuladda oo qoraalo kala duwan kasoo saarey kulankan ayaa si isku mid ah waxay u caddeeyeen in ajandahooda uu yahay xalka is-mari-waaga ka taagan doorashooyinka.

Kulankan ayaa ah natiijadda kasoo baxdey dedaalo ay maalmihii u dambeeyay waday Beesha Caalamka kaasoo ujeedkiisu ahaa in ay shir gaar ah yeeshaan madaxda maamulada kahor kulanka guud.

Kahor kulankan, madaxda maamualdda ayaa habeenimadii Khamiista isku arkay isla Airport Hotel, waxaana ay ku balameen shirkan maanta furmay, sida ay Garowe Online u xaqiijiyeen illo wareedyo ku dhow dhinacyada.

Madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo ayaa horey u carqaladeeyay shir lagu wadday in galabnimadda Khamiista ay Muqdisho ku yeeshaan madaxda maamulada iyo wakiilada Beesha Caalamka.

Sidda ay muujinayaan xogaha, Farmaajo ayaa u ololeeyay in shirka kaliya ku koobnaado madaxda maamuladda, isaga oo doonayey in uu meesha ka saaro in loo arko in ay yihiin cidda haysata sharciyadda.

Madaxda Puntland iyo Jubaland ayaa todobaadyo degan Airport Hotel oo ku dhexyaala xerada Xalane halkaasoo ay u doorteen sababo dhanka ammaanka, sidda ay ku caddeeyeen qoraallo ay horey u soo saareen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM