Shir u furmay madaxwayneyaasha maamul goboleedyada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shir u dhaxeeya madaxda shanta maamul ee Soomaaliya ayaa ka bilowday Hotel Airport ee ku dhexyaala xeradda Xalane ee caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Dhanka kale, wakaaladda wararka qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa warisay in madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo uu Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle uu ergo ahaan ugu diray shirka si ay ugu qanciyaan dhigooda Puntland iyo Jubaland in ay kusoo biiraan wadaxaajoodyadda.

Talabaadan ayaa la macno ah in Farmaajo uu diidey dalabka Beesha Caalamka ee ku aadan in uu qabsoomo shir ay qeybgalkiisa u siman yihiin dhamaan dhinacyadda.

Farmaajo oo muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey 8-dii Febraayo ayaa ku cadaadiyey madaxda maamulada taabacsan in aysan ka qeybgelin shir ay garwadeen ka noqon lahayd Beesha Caalamka oo ay la yeeshaan madaxda dowladaha Puntland iyo Jubaland.

Kulankaas oo qorshuhu ahaa in galabnimada Khamiista uu ka dhaco Airport Hotel ayaa lagu wadday in ay diiradda lagu saaro xalka is-faham-waaga doorashooyinka Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan xeeldheereyaasha, Farmaajo oo soo jeediyey in kaliya ay shiraan madaxda maamuladda ayaa ka fogaanayey in loo arko in maamuladdu yihiin cidda kaliya ee sharciyadda haysata.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey oo raadinaya in dib loosoo doorto ayaa xusul-duub ugu jira sidii uu Beesha Caalamka aysan goobjoog uga noqon lahayd wadahadalada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM