Shirdoon oo ka hadlay khilaafka u dhexeeya madaxda DFS

Image

November 23, 2014 (GO)- Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda F. Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay qaar kamid ah Jaaliyaddaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka Imaaraadka Carabta, ayaa ka hadlay khilaafka u dhexeeya hoggaanka sare ee Dowladda Federaalka gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Saacid ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha si dhaqso ah xal looga gaaro, isagoo ugu baaqay dhinacyadu in ay dhowraan dowladnimada curdanka ah iyo danta guud ee qaranka islamarkaana tixgeliyaan howlaha adag ee dalka u yaala gaar ahaan hiigsiga 2016 iyo gaarsiinta dalka doorashooyin xor ah sanadka 2016.

“Waxaan leeyahay dhammaan dhinacyadu ha raadiyaan xal khilaafka lagu dhamayn karo, Soomaaliya maanta uma baahna dib-u-dhac iyo khilaafaad horey ayaan usoo aragnay meesha uu na dhigay khilaaf aan xal laga gaarayn. Waxaa muhiim ah in la Tixgeliyo danta guud  ee Soomaaliya lana fiiriyo dhibaatada baahsan ee dalka ka jirta maanta, Dowladda waxaa looga fadhiyaa dalka in ay gaarsiiso doorashooyin xor ah 2016” ayuu yiri.

Hadalka Ra'iisul Wasaarihii hore ayaa kusoo aadaya xilli maalinta berri ah guddoonka baarlamaanku qorsheynayo in xildhibaanada loo qaybiyo mooshinka laga keenay xukuumadda Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed kadib khilaaf mudo dheer soo jiitamayey oo soo kala dhex galay isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Ciidamada Puntland oo dilay xubno Daacish katirsan

Ilo madax bannaan ayaa xaqiijiyay in Puntland ay ku weyday hal askari howlgalkaasi ka dhacay Calmiskaad.

  • Soomaliya

    29-09-2025

  • 01:46PM

Xasan Sheekh: Wadahadal baa ka galayaa Khilaafka Dastuurka iyo Doorashadda

Furitaanka kalfadhigan ayaa imaanaya iyadoo ay taagan yihiin khilaafaad siyaasadeed oo la xiriira hanaanka doorasho.

  • Soomaliya

    29-09-2025

  • 10:41AM