Shirka Afasiyooni oo loo diyaar-garoobayo xilli khilaaf jiro

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qabanqaabada shirka Afsiyooni ayaa socota. Ka qeybgaleyaasha qaar kuna jiro madaxwayne Farmaajo ayaa xaadiray hoolka.

Balse, madaxda Puntland iyo Jubaland oo labadii todobaad ee lasoo dhaafay ku sugnaa magaala madaxda waddanka ee Muqdisho ayaa su'aal gelinaya.

Wallow rajo xumo xooggan ay jirto, Beesha Caalamka waxay waddaa dedaalo lagu badbaadinayo kulanka si gaar ahaan is-mari-waaga ka taagan ajandaha.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo dimuqraadiyeynta Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa xalay Twitter-ka ku daabacay: "Ajandaha shir madaxeedka la filayo ee arrimaha doorashooyinka waa in laga talogeliyo dhamaan dhinacyadda uu khuseeyo ee saamileyda. Ajande hal dhinac ah sidda kan wuxuu fashilinayaa kulanka".

AMISOM ayaa xalay qoraal ay soo saartey ku sheegtey in wakiilkeedu Amb. Francisco Madeira kulamo la qaatey madaxda maamulada Somalia iyo siyaasiyiinta qaar una sheegey in dhameystireen arrimahii farsamada amni sugida shirka la filayo iney madaxda ku yeelato gudaha xerada Xalane.

Wakiilka ayaa tibaaxay in amniga shirka iyo kan madaxda ka qayb galaysa ay sugi doonaan ciidamada AMISOM oo dalka u jooga nabad-ilaalin.

Cismaan Abuukar Dubbe, wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo xalay ka hadlay madasha Clubhouse, ayaa Puntland iyo Jubaland si dadban ugu qeexay "doorasho diidayaal".

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Cabdullaahi Timacadde oo u jawaabay Wasiirka Warfaafinta JFS, Cismaan Dubbe: "Waa nasiib darro in masuuliyiinta xilku ka dhammaaday ay awood bidaan, hadallo aan munaasib ahayn oo warbaahintii Qaranka loo adeegsado. Oday Dubbe waxaan leeyahay hadal xumo nin bay kugu dirtaa ee nin kaama celiso".

"Dalkaan guulwadayn iyo borobogaando been ah laguma haysan karo ee sarraynta iyo ku dhaqanka Dastuurka dalka baa lagu xukumi karaa," ayuu xusay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM